Miltariga Xarakada Al-Shabaab oo Si Buuxda Ula Wareegay Magaalada Moqokori ee Gobalka Hiiraan.

17
0

Moqokori – Warar rasmi ah oo hadda nasoo gaaray ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degmada istaraatiijiga ah ee Moqokori, oo ku taalla bariga gobolka Hiiraan, kaddib weerar culus oo ay ku qaadeen ciidamada dowladda Federaalka ee halkaas ku sugnaa.

Weerarkan oo bilaabmay saaka waaberigii hore ayaa lagu furay camaliyad istishhaadiyo ah oo si toos ah loogu dhuftay mid kamid ah saldhigyadii ugu waa weynaa ee ay ciidamada dowladda ku lahaayeen gudaha magaalada. Qaraxan ayaa sababay burbur weyn iyo khasaaro nafeed oo aad u badan.

Intaa kaddib, cutubyo katirsan Mujaahidiinta oo si gaar ah u tababaran ayaa gudaha u galay magaalada, iyagoo beegsaday dhammaan saldhigyada ciidanka dowladda iyo xarumahii maamulka deegaanka, waxaana si buuxda loo jebiyey iska caabintii ay sameeyeen ciidamada dowladda ee halkaas ku sugnaa.

Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha warkan, waan idiinla socodsiin doonaa Insha Allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here