Maxaa Ka Ognahay Howlgalka ka Dhacay Buundada Karaama Ee Lagu Xasuuqay Gumeystaha Yahuuda.

56
0

Weerar halyeeynimo ayaa ka dhacay maanta oo Axad ah xuduud beenaadka ay wa daagaan Urdun iyo Falastiin.

Weerarkaan ayaa si gaar ah ooga dhacay buundada Karaama.

Howlgalkaan ayaa ka mid noqday weeraradii lagu qaaday gumaystaha Israa’iil ee ka dhacay meel ka baxsan magaalada Gaza tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socdo Marinka Gaza 7-dii bishii October ee sanadkii hore.

Halyeeyga fuliyay weerarka toogashada ah ee ka dhacay buundada Karaama ayaa ah muwaadin u dhashay Urdun oo ka soo jeeda Gobolka Macaan; waxaana lagu magacaaba Maahir Al-Jazi.

Dagaal yahan Maahir ayaa shahiiday sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Urdun.

Weerarkaan ayaa lagu dilay ugu yaraan 3 ka mid ah gumaystaha Yahuuda ee xasuuqa kawada dalka Falastiin.

Dhanka kale xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, Dr. Fatxi Xammad ayaa yiri: “Howlgalka geesinimada leh ee ka dhacay buundada Karaama wuxuu dhabar jab weyn ku yahay amniga iyo nidaamka militariga Sahyuuniyadda, iyo caddeyn buuxda oo muujinaya jilicsanaanta maamulka Sahyuuniyadda.”

Kadibn weerarka dadka reer Urdun ayaa mujiiyay sida ay ugu faraxsan yihiin howlgalkaan fariidka ah.

Shacabka Urdun ayaa wadooyinka ku qaybiyay macmacaan si ay i cabiraam dareenkooda farxadeed ee ku aadan howlgalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here