Shabakadda wararka ee “Walla” ee Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday, in askari ka tirsan ciidanka kaydka ee Yahuudda uu is-dilay, sababo la xiriira xanuunno nafsi ah oo uu ku reebay dagaalka Marinka Qazza.
Waxay intaasi ku dartay shabakaddaan, in askarigan oo 24 jir ah laguna magacaabo Daani’iil Adri, uu ka soo shaqeeyay ciidamada kaydka ah ee Qazza iyo Lubnaan, ugu danbayntiina uu soo afjaray noloshiisa kadib markii uu muddo dheer la ildarnaa dhaawac maskaxeed iyo waayitaanka laba kamida saaxiibbadiis oo lagu dilay dagaalkii duufaanta Al-Aqsa ee kooxa muqaawamada Falastiin ay bilaabeen 7 bishii Oktoobar, ee sanadka 2023-ka.
Askarigan ayaa meydkiisa laga helay kayn u dhow magaalada Safad, ee waqooyiga dhulka Falastiin ee ku hoos jira gumaysiga Yahuudda, halkaas oo uu isku daldalay, kadib markii uu waayay cid wax ka qabato xanuunkiisa.
Dhacdadan ayaa ka turjumeysa dhibaatada nafsiga ah ee uu dagaalka Qazza ku reebay askarta gumaystaha Yahuudda. Warbixino caalami ah oo ay kamid yihiin baaritaan ay samaysay shabakadda CNN-ka ee Mareykanka, ayaa tilmaamaya in kumannaan askarta Yahuudda oo ka soo laabtay dagaalka Qazza ay la ildaran yihiin xanuunnada dhimirka.