Iyadoo magaalada Dooxa ee dalka Qadhar ay ka socdaan wada-xajoodyo ku saabsan hindisaha heshiiska xabad-joojinta ee lagu wado inuu ka hirgalo marinka Qazza, ayaa waxa ay Muqaawamada Falastiin shaaca ka qaaday, in Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda dhiig yacabka lagu magacaabo Benyamiin Netanyaahu uusan daacacd ka ahayn xabad-joojin ka dhaqan gasho jiidda Qazza.
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay muqaawamada Falastiin ayaa lagu yiri “Dambiile dagaal Netanyaahu waxa uu hor istaagayaa heshiis kasta oo horseedi kara in la sii daayo maxaabiista, lana joojiyo gardarada ka dhanka ah dadkeena Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Qazza”. Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Muqaawamada Falastiin, iyagoo intaasi ku daray, in Netanyaahu uu abuurayo caqabado badan oo ka dhan ah in heshiis la gaaro.
Bayaanka muqaawamada Falastiin ayaa jawaab u ahaa hadal uu Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benyamiin Netanyaahu ku wargeliyay qoysaska maxaabiista Yahuudda ee ku xiran marinka Qazza, kaas oo ahaa in heshiis dhameystiran oo ka hirgala marinka Qazza uusan suurtagal ahayn, hadalkaas oo ay muqaawamada Falastiin ku tilmaamtay, inuu ka turjumaya ujeedooyinkiisa gurracan iyo niyooyinkiisa xun.