Mareykanka oo Nidaam Difaaceed Cusub Geynayo Waddanka Yukrayn.

13
0

Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam ayaa galabnimadii shalay shaaca ka qaaday, in uu u diri doono dalka Yukrayn gantaalada difaaca hawada ee loo yaqaano Batriyood, isaga oo sheegay, in ay lagama maarmaan tahay in Yukrayn laga ilaaliyo weerarrada Ruushka.

Taraam ayaana madaxwaynaha Ruushka Faladamiiri Buutin ku eedeeyay, inuu yahay nin aan lahayn jid iyo jiha loo raaco, isagoo ku tilmaamay, mid isku badalaya maalinta labadeeda galin waa sida uu hadalka u dhigaya.

Nidaam difaaceedkan cusub ee uu Mareykanka u ballan qaaday Yukrayn ayaa la filayaa inuu soo dedajiyay, hadalkii madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi Kiim Joon Uun ee ahaa, inuu taageero shuruud la’aan ah oo buuxda ku siinaya Ruushka dagaalka uu kula jira Yukrayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here