Khilaaf Cusub oo Soo Kala Dhex Galay Dowladaha Shiinaha iyo Jabaan.

27
0

Dalalka Shiinaha iyo Jabaan ayaa hawada isku mariyay eedaymo la Xiriira inu midba midka kale ku xad-gudbay hawada dalkiisa iyo inuu wado daandaansi dagaal oo ka dhan ah.

Shiinaha ayaa markii ugu horaysay ku eedeeyay Jabaan oo ah xulafada Mareykanka, inay diyaarado wax basaasa u soo dirtay aagga loo aqoonsanyahay difaaca hawada ee badda lagu muransan yahay ee Bariga Shiinaha.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in diyaaradaha sahaminta millateriga Jabaan ay galeen aagga difaaca cirka ee Shiinaha, si ay wax u sahamiyaan. Isagoo intaas ku daray, in howlgallada basaasnimada ah ee ay sameynayaan diyaaradaha Jabaan ay halis gelin karaan badqabka hawada iyo badda ee labada ciidan.

Dhankeeda, Jabaan ayaa shalay ka digtay, in Shiinaha uu wado dhaqdhaqaaqyo millatari oo ka dhan ah dhulkeeda, iyadoo sheegtay, in dhaqdhaqaaqyadan ay si dhab ah u saameyn karaan amniga qowmiga ah ee jasiiradaheeda.

Waxay intaasi ku dartay Jabaan, in dukumeenti ay heshay uu tilmaamaya, inay sii kordheen dhoolatusyada awooda ciidamada Shiinaha ee ku sugan badda bari ee Shiinaha iyo agagaarka Taywaan, iyadoo xustay, in toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha ay dul-heehaabayeen meel 30 mitir u jirta diyaaradaha Jabaan ee ilaalinayo biyaha lagu muransan yahay ee badda bari ee Shiinaha.

Jabaan oo marti galiso sildhigyo waawayn oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka, ayaa marwalba ka cabsi qabta inay ku dul-dagaalamaan Mareykanka iyo Shiinaha oo isku haysto jamhuuriydda Taywaan oo uu Mareykanka doonaya inuu ka gooya Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here