Ciidamada Suuriya oo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Milateri ee “Al‑Khalakhla” ee Gobolka Suweydaa.

58
0

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa maanta ku guuleystay in ay si buuxda ula wareegaan gacan‑ku‑haynta Madaarka Militari ee Al‑Khalakhla, oo ku yaalla waqooyiga gobolka Suweydaa, kadib dagaallo culus oo ay la galeen maleeshiyaad Duruuzka.

Hawlgalkan cusub wuxuu qeyb ka yahay qorshaha ballaaran ee dowladda Suuriya ku dooneyso in ay ku xaqiijiso ammaanka iyo xasilloonida gobolka Suweydaa, oo marar badan loogu arkay kacdoonno iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo xiriir la leh gumeystaha Yahuuda.

Waxaa la filayaa in ciidamada Suuriya ay sii wadaan dhaq‑dhaqaaqyada militari iyo howl‑gallada ka dhanka ah kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee ku sugan deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here