Gabayga “NIN AQDAAMO FERENJI AH” Waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

153
0

Markii gumeystihii reer galbeedka ay ku fashilmeen dagaalka ay kula jireen dowladii islaamiga ahayd ee Daraawiish, waxay sameeyeen shirqoolo badan oo lagu burburinaayo halganka, lagu kala qaybinayay safka mujaahidiinta sidoo kale lagu magac dilaayay sharciyada uu haystay halganka jihaadiga ah ee uu ku jiray halgamaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Allaha ha unaxaristee.

Sida taariikhda ku xusan waxaa la dagaalanka halgan walba loo adeegsan jiray niman wadaado xumayaal ah oo culimo isku sheeg ah.

Gumaystaha ayaa isku dayay in uu warqad ka soo saxiixo shiikh Maxamad Saalax oo ahaa shiikhii ka dambeeyay in Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu la halgamo gumeystaha.

Laakiin Sheekh Maxamad Saalax ayaa iska diiday shirqoolkii ay gumaystaha iyo wadaad xumayash ay soo maleegeen.

Balse waxaa dhacday in gumeystaha iyo wadaad xumayasha ay sameeyeen qoraal been ah oo lagu xoojiyay saxiixa Sheekh Maxamad Saalax Allaha ha unaxaristee.

Warqadii been abuurka ahayd ayaa loo keenay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa la yiri waxaa soo diray Shiikh Maxamad Saalax oo Daraawiish ayaa lagu cambaareynaya, waxaa la keenay xaruntii Sayidka ee Ilig dadkii oo dhanna loo akhriyey, su’aal Sayidka laga weydiiyey oo la yiri maxaynu ka niraahnaa fariinta Sheekh Maxamad Saalax?

Wuxuu yiri:

Nin aqdaamo ferenjiya maantiyo abuurriin.

Ama aaladduu sida ama awrtabuu rara.

Ama ariga buu qala ama laba ugaarsada.

Ama uba ilaalaa ama uurka kala jira.

Ashahaado beeniyo islaannimo ha lagu dhaqo.

Ilaahayna nama oron anna ma oggolaan karo!

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here