Lataliyaha Abey Axmad oo Sheegay in Maamul Goboleedyada Puntland iyo Somaliland Ay ku Biirayaan Itoobiya.

45
0

Prof. Brook Hailu oo ah La taliyaha R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sidoo kalana horay usoo noqday Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey dalka Faransiiska ayaa mar uu wareysi siiyey mid kamid ah Tv-yada dalka Itoobiya wuxuu ka hadlay xaalada dalka Soomaliya.

Brook Hailu ayaa sheegay maamul goboleedyada kala ah Somaliland iyo Puntland ay qarka u saaran yihiin inay ku biiraan dowlada xabashida Itoobiya.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay horay isugu dayday inay ku biirto Itoobiya xilligii malez senawi uu talada hayey, haddana ay u qorsheysan tahay arintaas.

Sarkaalkaan xabashiga ah wuxuu intaasi raaciyey in maamul goboleedka Puntland ay kasoo horjeesatay in Soomaliya la keeno ciidamo Masaari ah, taasna ay ka xanaaqday, ayna hadda qorsheynayso inay Soomaliya ka go’do kadib markii ay is khilaafeen dowladda Xasan Sheekh.

Wuxuu kaloo sheegay in maamul gobaleedyo kale oo cusub ay ka dhismi doonaan Soomaaliya kuwaasi oo kasoo horjeeda Xasan Sheekh.

“Somaliland way baxday Soomaaliya sida aan aminsanahay, mar danbana kuma soo labaneeyso Soomaaliya.

Puntland xittaa istaraatiijiyadeedii way badashay, waxayna aad uga xunyihiin in dowladda Soomaaliya ay wadankeeda ugu yeerto ciidamada Masaarida, si adag ayeyna uga soo horjeedaa arrintaasi, waxayna hadda ka fikireysaa inay “xornimo” qaadato, si lamid ah sida Somaliland oo kale.

Sida aad horay u tilmaamtay 20 sano ka hor waxay ka fikirayeen inay Ethiopia ku biiran waqtigii malez senawi, haddana wax walba ayaa dhici kara.

Waxaa iwaydisay waxa la filan karo 5 ila 10 sano kadib, waxa laga yaabaa inaan aragno dowlad goboleedydo cusub oo curta sida kuwa hadda jira oo kale.

Somaliland Horay ayey u goosatay, Puntland inay goosato ayaa laga yaabaa, Hirshabele lama oga Iyana xilliga ay goosan doonto.

Waxaa dhici kara xittaa in Somaliland iyo Puntland ay ku biiri karaan Ethopia, wax ka hor istaagayana ma jiraan ” ayuu yiri Prof. Brook Hailu oo ah la taliyaha R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here