Dowladda Soomaaliya Oo Xiratay Dekadda Magaalada Muqdisho.

43
0

Dekadda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maalintii labaad u xiran dowladda Soomaaliya.

Sababta dekadda loo xiray ayaa lagu sheegay in uu kusoo xirtay markab sida shixnado hub ah oo ka yimid dowladda Masar.

Dowlada Soomaaliya ayaa xirtay jidka kasoo baxa dekadda magaalada Muqdisho, Number afar illaaa dhismaha wazaaradda gaashaandhigga, waxaana gaadiidka iyo sidoo kale dadka lugtooda maalaya loo diiday isticmaalka wadooyinkaas.

Maamulka dekadda Muqdisho ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku war geliyay in muddo ilaa iyo saddex maalmood ah ay xirnaan doonto dekadda, adeegyadii rayidkana ay hakad yihiin.

Markabkan kusoo xirtay dekadda magaalada Muqdisho, ayaa lasoo wariyay in uu sido shixnado hub ah oo dowladda Masar ugu talagashay in ay isticmaalaan ciidamada Masar ee ka mid noqon rabo ciidamada shisheeye ee loogu yeero nabad ilaalinta.

Markabka soo xirtay ayaa lagu magacaabaa TSC, kaasi oo ay leedahay dowladda Masar, waxayna markabkaan ku daabushaa shixnadaha xamuulka ah.

Muuqaallo kala duwan oo lagu faafiyay baraha bulshada sida Facebook ga ayaa muujinayay markabka kusoo xirtay dekadda iyo sidoo kale gaadiid nooca kuwa xamuulka ah oo hub culus ka daabulaya dekadda wayn ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay arintan kusoo beegmaysaa xilli uu sii xoogeystay xiisadda Masar iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here