Itoobiya: “Hubka ay Masar Keentay Muqdisho Wuxuu Gacanta U Galayaa Al-Shabaab”

47
0

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hubka ay Masar keentay magaalada Muqdisho, kaas oo habeen kahor  ay si rasmi ah ula wareegtay dowladda Xasan Sheekh.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Twitterka ku muujiyay, walaaca uu ka qabo hubka Masar ay kasoo dajisay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka imaan karto halis kale oo wayn sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirkan oo warkiisa sii wata  ayaa sidoo kale xusay in hubkan uu geli doono gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal aad u weyn. “Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu yiri wasiirka dibadda Itoobiya. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Itoobiya ay ka walaacsan tahay in saadka ay bixiyaan ciidamada shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya  markii Talaadadii shalay bayaan kasoo baxay Masar lagu sheegay in DF ay ku wareejisay hub iyo saanad ciidan, si bey tiri loogu xoojiyo waxa loogu yeero ladagaalanka waxay ugu yeertay “Argagixisada”, xilli ay labada dhinac ay gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.

Dhawaan ayay ahyd markii sidan oo kale hub iyo saanad ciidan ay dawlada fadaraalku kasoo iibsatay Itoobiya, Dhammaan tallaabooyinkan ayaa muujinaya siyaasado is burinaya kuwaasoo uu nuxurkoodu yahay in la boobo kheyraadka Soomaaliya, Itoobiyana qabsado wadanka baddiisa iyo barrigiisa oo haddaba ay qeybo ka heysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here