Ruushka oo cambaareeyay daandaansiga Yahuudda ee ka dhanka ah Lubnaan.

53
0

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Vershinin ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ballaaran ee militariga iyo daandaansiga sahaayinada ee ka dhanka ah Lubnaan.

Vershinin wuxuu yidhi; ” filashada xun oo aan ka filaynay ayaa noqotay mid dhab ah,” taas oo muujinaysa in dadka rayidka ah ay yihiin dhibanayaasha labada dhinac ee khadka buluuga ah.”

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Lubnaan, isagoo tilmaamay in ka fogaanshaha dagaal ballaaran oo ka dhaca gobolka, ay tahay mid keensanaysa joojinta dhiigga daadanaya ee Gaza.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la dhaqan geliyo go’aamadii Golaha Ammaanka ee ku baaqaya in la joojiyo qabsashada dhulka Lubnaan, halka waxa waxa loogu yeera Golaha Ammaanka ay yihiin kuwa gadaal ka taagan yuhuudda, oo tacatiyaad kasta garab ku siinaya.

Arbacadii shalay ayeey ahayd, markii madaxtooyada Ruushka (Kremlin) ay ku talisay in muwaadiniinteeda ku sugan Lubnaan ay isaga baxaan dalkaas kadib markii yahuudda kordhisay weerarada .

Dmitry Peskov, af hayeenka Kremlin, ayaa ku sheegay warsaxaafadeed uu joodiyay: in Dalkiisu uu qaadayaa “tallaabooyin lagama maarmaanka ah” si loo hubiyo in Ruushku ka baxo dhulka Lubnaan “sida ugu dhakhsaha badan”, isagoo adeegsanaya gaadiid ganacsi oo diyaar ah.

Waxa uu intaa ku daray in ka bixitaanka Ruushka ee dhulka Lubnaan ay tahay “mid lama huraan u ah badbaadada noloshooda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here