Yahuuda oo ku hanjabtay inay Lubnaan ku qaadi doonto weerar dhulka ah.

47
0

Taliyaha gobolada waqooyi ee ciidamada Yahuuda, ayaa sheegay in ololaha militari ee ka dhanka ah Lubnaan uu galay waji kale, loona baahan yahay in ciidamadu ay si buuxda ugu diyaar garoobaan qaadista howlgal dhulka ah.

Dhanka kale dawlada shiicada ah ee Iiraan ayaa aad uga caga jiidaysa kaqayb galka dagaalka Yahuudu kusoo qaaday Lubnaan ayadoo horay usheegtay in ururka shiicada ah ee Xisbullaah uusan dagaalka kali ku ahaan doonin.

Wasiirka Gaadiidka ee Lubnaan Ali Hamiya ayaa u sheegay Al Jazeera in dhuulaan kasta oo ciidamada Yahuudu kusoo galaan dhulka Lubnaan, aysan noqon doonin dalxiisayaal. Waxaa uu intaa ku daray in Yahuudu ay bar-tilmaameedsanyso dadka rayidka ah iyo dhismayaasha la deggan yahay.

Ciidamada Yahuudu waxay dhankooda xoojiyeen duullaanka, waxayna gaareen Bekaa, Baalbek-Hermel ee Lubnaan. Ila wareedyo ayaa sheegaya labo weerar oo diyaaradaha Yahuudu ay saaka aroortii ku qaadeen magaalooyinka Kafr Tibnit iyo Kafr Rumman oo ka tirsan degmada Nabatiy ee koonfurta Lubnaan. Duqeymo kale ayaa sidoo kale lala beegsaday magaalooyinka Al-Bazuuriyah, Al-Majadil, iyo Tairdaba oo ka tirsan degmada Tire ee koonfurta Lubnaan.

Ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in ay weerareen 280 bartilmaameed oo ururka shiiciga ah ee Xisbullah uu ku leeyahay Lubnaan. Ciidamada Yahuuda ayaa intaa ku daray in bartilmaameedyadaas ay ka mid yihiin saldhigii laga hagayay gantaallada loo adeegsado duqaynta Sacad iyo Naxariya, iyagoo xusay in ay bartilmaameedsadeen, bakhaarrada hubka, iyo kaabayaasha millatari ee deegaanka Nabatieh iyo deegaannada kale ee Lubnaan. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha Yahuuda ay sababeen dhimashada 72 qof iyo dhaawaca in ka badan 354.

Maamulka Yahuuda ayaa ugu baaqay dadka deggan magaalada Safed iyo nawaaxigeeda inay ku dhawaadaan meelaha gabaadka ah, iyadoo la eegayo sii socoshada gantaallada ururka shiiciga ah ee Xisbullaah.

Isniintii lasoo dhaafay ayay ciidamada Yahuudu ku qaadeen Lubnaan weerarkii ugu xooganaa, uguna balaadhnaa tan iyo markii ay bilowdeen iska horimaadyada ay kula jiraan ururka shiiciga ah ee Xisbullah muddo sanad laga joogo, ku dhawaad ​​600 oo qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween ayaa lagu dilay weeraradaas, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 2,500 oo qof. , iyadoo ay kubara kaceen qiyaasta ​​400 oo Kun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here