Gabayga “KAABUL IYO GUUSHA REER AFGANISTAAN” Waxaa Tiriyay Abwaan Cabdullaahi Soomaali.

94
0

Gabaygaan waxaa lagu magacaaba “Kabul iyo Guusha Reer Afganistaan” waxa uu si qoto dheer oga hadlaaya guushii reer Afganistaan ay gaareen.

Gabaygaan “Kabul iyo Guusha reer Afganistaan” waxaa tiriyay Abwaan Cabdullaahi soomaali, sanadkii 2021-kii markaasoo mujaahidiinta xarakada Daalibaan ay la wareegeen gacan ku haynta dalka Afganistaan kadib muddo labaatan sano ah oo ay la dagaalamayeen Maraykanka iyo xulufuadiisa NATO oo dalka Afganistaan duullaan saliibi ah ku qabsaday sanadkii 2001-dii.

Abwaan Cabdullaahi soomaali ayaa tiriyay gabayga waxa uu yiri:

Inaan gabay kabiixoo tirsho amase  koobaabo,

kol waliba ma doonee wax baa igu kaxeeyaaye,

Maantana Wixii soo kacshay   kolayaduu hoorso.

Nin Jiilaal kabruuraa wuxuu kicinka dhowraaba,

kal dambeed abaareed wuxuu kaca habeenkiiba,

Kor wixii u eegoo Rabbigii dhab ula koodaaba,

Karar iyo hilaac kaabayoo kaynta wada gaaray,

Kaliisha markuu joogabuu kaah u shidanyaaye,

Karkoor iyo jeexiyo hog iyo karin barwaaqoobay,

 Duunyada markuu keena buu Kaafi noqoyaaye,

Anaguna kuleyl iyo rafaad waxaan kadeednaano,

waxaan kadinka buureed dagniyo meel kurtuma weynle.

Cadaawaxaa kama leexanee waxaan kulaalnaaba,

wixii aan kamiin adag dhignoo maartu kulantaaba,

waxay soo kablaysaba xornimaa  koorta loo xiraye,

ujeedkana hadaan kuu kumbudo oon kasbada ruubsho,

Kaabuul gelinki aan furana buu  kaarki naga duule, 

Kariimbaa mahadddaa lahoo ina karaameeyay.

 

Karkaarada webi soo jebshoo kaabadaha gooyay,

Beledkii u soo kediya baan  lagu kifaaxeyne,

Nafta kaaya mooyee cid baan kebed u ooleyne,

 

Kaariyihiyo hamaradi iyo keebka niman haysta,

Katiibooyin soo kaagacoo wada kalaash koof leh,

jananadi is koohaariyee koofida qolloocshay,

Korneylada raggii lay jiray dhaafay kumanaanka,

Kolonyadi Islaamku markay soo kutubi aayar,

Oo ay soo kubbaareyn hayaan kaman adeygooda,

Kaallinkii miyaa  laga didoo laga kabboo waayay!!!

Markayaanki kaabbeyn hayee koofanaha taagay,

Kibirkiya naxligii jaboo kaafirka cararye!

Miyuu kayd ha joogee ka tegay maanta kobihiisi!

Hubkiisii karuurnaa  miyaan kuusanoo hanannay!

 

Intaas gabayga kuurada horiyo koolbo iyo laad dheh,

Kirishtaan karbaashay lala dhiciyo  kabaradiisii dheh,

Kabba kalana waan keeni ee koobiyoo wariya.

 

Kaadiradi gumeysigu kabree kaararka u qaybshay, 

Qoladow kabiir kuu ahaa ee  ku ka daloobyay,

Kud kudiyo kaneeciyo dhilqiyo wixii kutaan joogay,

Kirkiradi kor dadlaha ahaa waa kush gubaanaahe,

Kaambiyahoodi soo ruqay iyo kabaalkii dheh,e  

Intaas gabayga kuurada horiyo koolbo iyo laad dheh,

Kirishtaan karbaashay lala dhiciyo  kabaradiisii dheh,

Kabba kalana waan keeni ee koobiyoo wariya.

 

kaniisada daruusteediyo kaafirka habaaabay,

koobigii yuneyskiyo wadeen kaatibyada raacay,

Kaxandhadi sumeysneyd iyo kud iyo waabaydi.

Kitaabkiyo sunada ayaa lagaga kaaftoome,

Kimis iyo xil iyo ninkii kaaki uun jeriye,

Ee cadawga kiil kuu sidee kira u Diin beelay,

Kasabkiisu waa naar wuxuu kalaw sanaayaaye,

Karraaniga ibliiskiyo intii kabaya howshiisa,

Nin kastoo is kaynaaniyoo kaadso laga waayo,

Kati iyo waran baan kilyaha uga kaweynaahe,

Sida koron la gowracay intaan u kefada saarno, 

Kallaaliibta waa suri naqaan kor u galoolneyde,

Caryaa waa karaahsada yiraa kelema towxiidka!

Oo kurkiisu uu beec yahoo raba kawaan saarid.

 

Intaas gabayga kuurada horiyo koolbo iyo laad dheh,

Kirishtaan karbaashay lala dhiciyo  kabaradiisii dheh,

Kabba kalana waan keeni ee koobiyoo wariya.

 

Daalibaan kaloorada odkacu kaamil uga buuxo,

Kalluun  iyo kurbin buna iyo weliba koostaato,    

Karuur geel kurus iyo cadiin  yaa kol wada siiya,

Kobosh iyo karuunjiyo sadkax yaa kur uga geeya,

Oo yicib  kolay ugu shuboo mire u koombeeya,

Karoorada digir yowgu shubo uguna kiileeya.

 

waxba gabaygu yuu katleyn kictimyaaye,

Kalmaduhu dambeeyaa hadaan kaafka ka higaaadsho,

Afkhaaniintu waa niman karti leh  kii Allaah suge,e,

Shisheeyiyo wax  kaaliyaba waa karkariseene,

Muslimkuna karbuunaday  shideen waa ku diirsadaye, 

Dhaqsa in ay kacaan baa qalbiga ugaga koollowde,

Kabtiinaas kasii wada xaqaad  kor ximbaarteene.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here