Duufaanta ku dhufatay Mareekanka iyo Xeebaha Miksiko oo Gaartay Meeshii ugu Saraysay.

102
0

Duufaanta nooca loo yaqaano Milton  ee ku dhufatay dalka mareekanka iyo xeebaha miksiko, ayaa sii xoogaysatay waxayna  gaartay heerkii ugu sarreeyay, iyadoo xawaaraha dabeylaha la socdana ay gaareen 270 kilomitir saacaddii, sida laga soo xigtay Xarun qaabilsan la socdka Duufaanta ee ku taalla dalka Mareykanka, waxayna sheegtay in duufaanta  ay kusii socoto  Gacanka miksiko ayna ku wajahantahay gobalka Florida.

Xaruntu waxay sheegtay sidoo kale, in isbedbedelka awoodda Milton ay u badan tahay inay dhacdo, marka ay ka sii gudubto gacanka bari ee  dalka miksiko, balse waxaa la filayaa inay noqoto duufaan weyn oo khatar ah, marka ay gaarto xeebta galbeedka -dhexe ee gobalka Florida galabnimada maanta.

Iyadoo laga tixraacayo xoogga awoodda duufaanta, ayuu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden  soo saaray baaq deg deg ah, oo ku aaddan daadgureynta dadka deegaanka ee ku nool dariiqa laga yaabo inay marto duufaanta la filayo inay ku dhufato gobolka Florida.

Biden waxa uu u arkay  duufaanta Milton in  ay noqon karto duufaantii ugu xumayd ee ku dhufata Florida qarnigii la soo dhaafay. Waxa uu tilmaamay in Milton, oo ku sii jeeda xeebta Florida oo ay la socdaan dabaylo xooggan, lagu  tirin karo duufaan weyn, asaga oo ugu baaqay bulshada dhamaantood inay baneeyaan meelaha la deggan yahay sida ugu dhakhsaha badan.”

Horaantii maanta, Biden waxa uu ku dhawaaqay in dib loo dhigay booqashadiisii ​​qorshaysnayd, ee uu ku tagi lahaa dalalka  Jarmalka iyo Angola, waxa uuna u hakaday in uu la  socdo isbadalka la xariira duufaanta Milton, ee ku sii socota gobalka Florida.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli gobolka Florida uu weli ka soo kabanayo saamayntii ay ku yeelatay duufaantii Helen, taasoo ku dhufatay laba toddobaad ka hor, waxaana ka dhashay burbur baahsan, dhimasha iyo dhaawac soo gaaray dadka deegaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here