Ruushka oo duqeeyay Kharkiif iyo Yukrayn oo cadaadis saartay gobolka Kursk.

48
0

Shalay Talaadadii, Duqeymo culus ayay  ciidamada  Ruushku ku garaaceen magaalada Kharkif oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas, halka Kiyeef ay shaacisay in ciidamadeedu ay weerar ku qaadeen gobolka  Kurska.

Maamulka Yukrain ayaa ku dhawaaqay in laba qof ay ku dhinteen in ka badan 30 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas,  Oleg Sinigubov, oo ah madaxa maamulka deegaanka ee magaalada Kharkif, ayaa bartiisa Telegramka soo dhigay qoraal uu ku cadaynayo weerarka, isagoo sheegay in howsha qaadista burburka ay weli ka socoto goobihii ay waxyeeladu kasoo gaartay duqeynta.

Kharkiif oo ku dhow xadka Ruushka, waxaa ka dhacayay maamlihii lasoo dhaafay weeraro isdaba joog ah, kuwaas oo udhaxeeya  ciidamada Mosko iyo maamulka Kiyeef.

Bariga dalkaas oo ay dagaallo ba’an ka socdaan, ayaa la sheegay in weerar uu Ruushku ku bartilmaameedsaday magaalada Kostyantinivka, lagu dilay hal qof halka lagu dhaawacay 6 kale.  Ilo wareedyo maxaliya, ayaa sheegaya in diyaaradaha  Ruushku  ay ku soo rideen 3 bam  magaalada, ayagoo ku dhuftay laba dhismo oo la deggan yahay.

Dhinaca kale, maamulka taabacsan Ruushka ee ku sugan deegaannada ay maamusho Moskow ee bariga Yukrayn, ayaa ku dhawaaqay in laba qof ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yukrayn, ay ka geysteen tuulo ku taalla jiidda hore ee uu dagaalku kasocdo.

Madaxweynaha Yukrayn  Zelensky ayaa  sheegay, in ciidamada Yukrayn ay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku hayaan ciidamada Ruushka ee ku sugan gobolka Kursk, halkaas oo Kiyeef ay duullaan weyn ku qaadday bishii Agoosto ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here