Duqayn ka Dhacday Suuriy oo lagu Beegsaday askar katirsan Nuseyriyada.

50
0

Xubin ka tirsan ciidamada Nuseyriyada ee Bishaar Al- Asad ee dalka Suuriya, ayaa lagu dilay duqayn ay Yahuudda ka geysatay Arbacadii maanta afaafka hore ee magaalada Quneytara.

Wakaaladda wararka ee xukuumadda Suuriya ee SANA, oo soo xiganaysa ilo ka tirsan taliska booliska ee Quneytara ayaa sheegtay, in Xubin ka tirsan ciidamada ammaanka gudaha uu geeriyooday, halka mid kalana uu dhaawacmay, ka dib markii ay Sahaayinada weerar gardaro ah ku bartilmaameedsatay albaabka bari ee laga soo galo magaalada Quneytara. Faahfaahin intaas ka dheerna lagama bixinin weerarkaas.

tan iyo 2011dii Yahuudda ayaa  duqaymo ka fulinaysa dalka  Suuriya, oo uu gacanta ku haayo maamul Nuseyriyada ee Bishaar Al- Asad, kaas oo taageero iyo tabantaabinba ka helaya dawladda shiicada ee Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here