Yukrayn oo burburisay boqollaal diyaaradood oo uu Ruushku leeyahay.

32
0

Ciidamada Yukrayn ayaa ku dhawaaqay in ay burburiyeen bakhaar ay ku jireen ilaa 400 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, kaas oo ku yaalla koonfurta Ruushka, gaar ahaan meel u dhow degmada Oktyabrsky ee gobolka Krasnodar. Dhinaca kale, 6 qof ayaa ku dhintay 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar duqayn ah, oo uu Ruushku ku qaaday dakad ku taalla magaalada Odessa ee dalka Yukrayn.

Ciidamada Yukrayn ayaa qoraal ay ku soo daabaceen bartooda Telegram-ka ku xaqiijiyay, in ay  weerar ku  burburiyeen  bakhaar lagu kaydin jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana ay hoos u dhigeen awoodda ciidamada Ruushka, waa sida ay hadalka udhigeene.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dab xoogan oo kakacay goobta lagu kaydin jiray diyaradaha, taasoo xaqiijinaysa sheegashada Yukrayn ay ku burburisay 400 oo diyaaradaha aan duuliyaha alahyn ah.

Dhanka kale mas’uuliyiin katirsan xukuumada Moskow oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in dab uu ka kacay bakhaar ku yaalla dhul baaxaddiisu gaarayso 800 oo mitir oo laba jibbaaran, iyagoo  aan ilaa hadda  wax khasaara ah soo gudbin. Ruushka ayaa si aad ah u isticmaalayey diyaaradahan aan duuliyaha lahayn tan iyo bilowgii duulaanka ay ku qaadeen dalka Yukrayn bishii February 2022-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here