60 askari oo Yahuud ah oo lagu dhaawacay Qaza iyo koonfurta Lubnaan labo maalmood gudahood.

74
0

Xog laga helay ciidamada Yahuuda  ayaa lagu sheegay in 60 askari  lagu dhaawacay Qaza iyo koonfurta Lubnaan 48-dii saac ee lasoo dhaafay, iyagoo Yahuudu ay sii wadaan duulaanka gardarada ah ee ay ku qaadeen koonfurta Lubnaan iyo Marinka Qaza.

Sida xogta lagu sheegay, in kabadan 33 ka mid ah askarta Yahuuda ee dagaalka ku  dhaawacmay, ayaa qaba dhaawacyo halisa ah oo xaaladahooda laga dayrinayo.

Sida laga soo xigtay mareegaha ciidamada Yahuuda  ayaa maanta oo Khamiis ah lagu sheegay, in tirada askarta ku dhaawacantay tan iyo bilowgii dagaalka Todobadii- Oktoobar, 2023 ay gaartay  4,700, halka Talaadadii ina dhaaftay ay ahayd  4,640.

Tan iyo bishii Sebtembar ee la soo dhaafay,  Yahuudu waxay  sii xoojisay duullaanka ballaaran ee ay ku heyso magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, iyadoo  gaysanaysa duqeymo aan horay loo arag, waxayna sidoo kale bilowday duullaan dhanka dhulka ah oo ay ku qaadeyso koonfurta Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here