Masar oo Xabsiga Dhigtay Dad Dhigayay Banaanbax ay ku Taageerayeen Qadiyadda Falastiin.

39
0

Xeer-ilaalinta Guud ee dalka Masar ayaa Khamiistii sii daysay koox dhigaysay mudaharaadyo ay ku taageerayeen reer Falastiin iyo Lubnaan kuwaas oo xabsiga loo taxaabay Isniintii hore, sida uu sheegay qareen lagu magacaabo Nabih Al-Janadi.

Mudaaharaadkan ayaa loogu dabaaldagayay sanadguuradii kasoo wareegatay howlgalkii duufaanta Al-Aqsaa, waxaana lagu sii daayay damiin lacageed oo gaaraysa qiyaastii 100 Doolar, taas oo laga qaaday qof kasta oo maxbuus ahaa.

Mudaharaadayaasha  ayaa la kulmay eedeymo ay kamid tahay: abaabul mudaaharaad oo fasax la’aan ah,  ku xadgudub sharciyada udagsan dalkaas iyo inay ku kaceen falal ka dhan ah dowladda,Waxaa kale oo lagu eedeeyay inay adeegsadeen sameecado iyo in ay  wateen calanka Falastiin iyo Lubnaan.

Oktoobar 7, 2024, ciidamada ammaanka Masar ayaa xiray Shan gabdhood iyo wiil dhalinyaro ah, xilli ay ka qeyb galayeen mawqif lagu taageerayo dadka Falastiiniyiinta iyo Lubnaan.  Waxaa kale oo dalka laga tarxiilay Laba gabdhood oo aanan udhalanin masar, mid kamid ah ay kasoo joodo dalka Maraykan,  halka midda labaadna ay haysato dhalashada Danmaak.

Tan iyo bishii Oktoobar 2023, mas’uuliyiinta Masar waxay soo rogeen wareegto mamnuucaysa bannaanbaxyada la xiriira dagaalka ay Yahuuddu ku hayso marinka Qaza. sida ay sheegayaan warbixinno ka soo baxay hay’adaha xuquuqul insaanka ah, tirada maxaabiista la xiray inta muddadaas lagu jiray waxay gaarayaan ilaa 120 qof, kuwaas oo 33 ka mid ah la sii daayay ka dib baaritaanno lagu sameeyay.

Maamulka Cabdi Fatax Al-siisi ayaa kamid ah maamulada banaanka soo dhigtay taageerada qayaxan ee ay la  garabtaaganyihiin gumaystaha Yahuudda ee arxanka daran, kaas oo xasuuqaya ehelkeenna reer Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here