Jabhadda Tigreega oo TPLF ayaa sheegtay inaaney hubka dhigi doonin.

56
0

Waxaa dib usoo cosboonaaday xiisadda u dhaxaysa ciidanka dowladda Itoobiya iyo kuwa ismaamulka Tigrayga, xisbiga siyaasadda dadka Tigrayga ee TPLF ayaa mar kale ku dhawaaqay go’aan liddi ku ah xukuumadda Abiy Axmed.

Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in ciidamada Tigrayga aysan hub ka dhigis samayn doonin, ilaa inta ay waqooyiga Itoobiya ka baxayaan ciidamada Axmaarada iyo  kuwa Eritera.

Hoggaamiyahan ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta Faransiiska ku sheegay in aysan hub ka dhigis ka dhaqan geli doonin ismaamulka Tigreega intaba ay gobolka joogaan ciidamada Itoobiya raacsan ee Axmaarada iyo Eritera.

Hoggaanka TPLF oo sii hadlayay ayaa sheegay in shuruudaha cusub ee uu wato ay yihiin in balaayiin lacag ah loo baahan yahay si hub ka dhigis loogu sameeyo in ka badan 200,000 oo maleeshiyaad ah.

TPLF waxay dhanka kale sheegtay inay dhowaan yeelan doonaan shir weyne looga arinsan doono aayaha xisbiga iyo gobolka Tigray, waxay sheegeen in xaaladii ugu darnayd ay ku suganyihiin, loona baahan yahay in laga gudbo xaaladdaasi.

Horay waxaa hub ka dhigista ay soo rogtay dowladda Itoobiya u diiday oo kacdoon millatari kala hortagay dadka Axmaarada, TPF ayaa sidoo kale hadda si cad u diiday inay maleeshiyadeeda hub ka dhigis ku sameyso, kuna biiriso ciidamada uu madaxa ka yahay Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here