8 xubnood oo ka kooban hal qoys ayaa la dilay maantoo Axad ah, kadib markii diyaaradaha ciidamada Sahaayinada ay duqeeyeen guri ay ka deganaayeen deegaanka Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza.
Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa in Diyaaradaha Ciiddanka Yahuudda ay duqeeyeen guri ay deggan yihiin Qoyska Abu Dalal oo ku yaalla magaalladda Nuseyrat, taasi oo sababtay dhimashada 8 qof oo ka soo jeeda Qoyska Abu-Ghali oo hore ugu soo qaxay Guriga Abu Dalal.
Wakaaladdu waxay sheegtay in dadka dhintay ay kala ahaayeen: Abu Ghali iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Shahira, iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, waxaana la dhigay Isbitaalka Al-Cowda.
Ciidamada Sahaayinada ayaa maalintii Siddeedaad oo xiriir ah go’doon ku haya xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, waxaana ay duqeeyeen tiro guryo ah, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli uu dab ka kacay goobo badan oo xerada ka tirsan, kaddib markii ay soo noqnoqdeen duqaymaha Yahuudda ay la beegsanayaan xaradaas.