Dab khasaare geystay ayaa ka kacay teendhooyin ka dib markii ay Yahuuddu weerartay isbitaalka Qaza.

43
0

 

Shaqaalaha samatabbixinta ayaa u ordaya inay damiyaan dab ka kacay goobta ay Yahuuddu ku duqaysay teendhooyin ay gabaad ka dhiganayso Falastiiniyiinta barokacayaasha ah oo ku yaal barxadda Cisbitaalka Martyrs Al-Aqsa ee Deir el-Balah, badhtamaha Gaza.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad ​​70-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha Yahuuddu ay duqeeyeen xero ay degan yihiin dad Falastiiniyiin ah oo ku barakacay gudaha cisbitalka Shuhadada ee Al-Aqsa ee Deir el-Balah.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay korodho iyadoo kooxaha gurmadka ay ku dadaalayaan samata bixinta dadka badbaaday.

Inta la xaqiijiyay 22-qof ayaa ku dhintay 80-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Taangiyada Yahuudu ay duqeeyeen Iskuul ay gabaad ka dhigtaan Barakacayaasha Falastiiniyiinta oo ku yaala magaalada Nuseira ee bartamaha Qaza.

Dhanka kale Ciiddaamada Yahuudda ayaa sheegay in 4 askari looga dilay 7 kalana si xun loogu dhaawacay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah ay la beegsadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Binyamina ee waqooyiga Dhulka Yahuudda.

Gaza, ugu yaraan 42,227 qof ayaa lagu dilay 98,464 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Yahuudda tan iyo Oktoobar 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Yahuudda Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here