Waxa Loogu yeero Golaha Ammaanka oo ku Fashilmay inay Xabad-joojin ka Gaaraan Dagaalka Udhaxeeyo Xisbullaah iyo Yahuudda.(Warbixin)

45
0

Kalfadhigii degdega ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay qabteen,  kadib codsi  kaga yimid Faransiiska ayaanan waxba kaga duwanayn kulamadii hore, marka la fiiriyo inaysan suurtogal ahayn in la gaaro go’aan xabbad-joojin degdeg ah, xilli uu Mareekanku cadaadis joogta ah saaraya golaha isaga oo ku andacoonaya in Yahuudda loo kaadiyo illaa ay hadafkeeda ka gaarayso.

Yahuudda dhankeeda waxa ay Washington ka codsatay  in loo sugo illaa 4 toddobaad, si ay u gaarto himilooyinkeeda ka dhanka ah Xizbullaah.

Ergayga Lubnaan ee Qaramada Midoobay ufadhiya, ayaa khudbadiisa ku baaqay in la cambaareeyo soo galitaanka Yahuudda ee koonfurta Lubnaan, isagoo ku nuuxnuuxsaday in qaraarka tirsigiisu yahay 1701 uu weli yahay xalka ugu wanaagsan ee dhibaatada, isagoo carrabka ku adkeeyay in xal loo arko digaal aanay cidna siin doonin xasillooni.

Qaraarkaas ayaa waxaa soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 11-kii Agoosto 2006, ujeeddadiisu waxay ahayd in la soo afjaro dagaalka u dhexeeya Yahuudda iyo Ururka Xisbullaah ee koonfurta Lubnaan, kaddib 34 maalmood oo colaad ay jirtay, waxaana ku jira qodobbo loogu talagalay in lagu ilaaliyo ammaanka, nabadda iyo xabbad-joojinta.

Ra’iisul-wasaara katirsan xukuumadda Lubnaan oo lagu magacaabo Najib Mikati, waxa uu dhankiisa xaqiijinayay in Lubnaan ay sii wadi doonta xiriiryada diblomaasiyadeed, gaar ahaan Washington iyo Paris, ujeeddaduna ay tahay in dib loo soo nooleeyo soo jeedinta gaarka ahayd ee lagu heshiiyay  Kalfadhigii hore ee Golaha Ammaanka, si ay usuurta gasho in dib loo bilaabo ka doodista gaaridda xal siyaasadeed.

Mikati waxa uu dib ugu soo laabtay si uu u cusboonaysiiyo mowqifka rasmiga ah ee Lubnaan, waxayna ku sheegeen shir heer Waziiro ah oo ay qabteen, in ay u hogaansamayaan ​​dhaqangelinta Qaraarka Caalamiga ah ee tirsigiisu yahay 1701, iyagoona beesha caalamka ugu baaqay in ay Yahuudda ku waajibiyaan in ay u hoggaansanto qaraarkaas.

Golaha Wasiirrada ee Lubnaan, waxay go’aansadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas loo xilsaaro, in ay ka codsato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaataan go’aan xabbad-joojin dhammaystiran oo degdeg ah, iyagoo ku nuux-nuuxsaday sida ay Lubnaan uga go’an tahay hirgelinta Qaraarka 1701 si duuduub ah, gaar ahaan marka la eego in la xoojiyo joogitaanka ciidamadeeda ee xaduudbeenaadka uu dalkaasi la wadaaga dhulka uu gumaystaha haysto ee Falastiin, si loo dammaanad qaado hirgelinta qaraarka.

Baaqyada iyo dalabaadka Lubnaan ma helin natiija caalami ah, in kasta oo waddammada intooda badan ay ku dhawaaqeen in lagama maarmaan ay tahay in la gaaro xabbad-joojin, balse kalfadhigii degdega ahaa, oo noqonaya kii saddexaad tan iyo markii uu bilaawmay dagaalka Yahuudda ee is balaarinta ah, ayaa kusoo dhamaaday fashil iyo faa’ido la’aan.

Haddaba, Saddex kalfadhi oo Golaha Ammaank ee Qaramada Midoobay uu qabtay ma aysan gaarin natiijooyin wax ku ool ah, cidda keliya ee xabbad joojinta raadinaysana waa  Lubnaan. Iyadoo ay jirto in ugu yaraan la isku dayay in war saxaafadeed laga soo saaro Golaha,  balse dadaaladaasi waxaa dhiciseeyay khilaaf soo kala dhaxgalay xubnihii golaha ee goobta joogay, gaar ahaan Faransiiska oo doonayay inuu soo saaro bayaan muujinaya baahida loo qabo joojinta weerarrada ka dhanka ah dadka rayadka, halka Mareykanka uu isna ka horyimid in Sahaayinada  loo jeediyo haba yaraatee wax cambaarayn ah, taas oo ugu dambeyntii keentay in aan war-murtiyeedka la soo saarin.

Waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah, gola aysan go’aamadiisa dhaafsiisneen miiska, waana gola ay gaalo dagsatay, amaamka ay sheeganayaanna waa mid uusan shiici harsanaynin sunni iskaba daaye.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here