Talooyin kaa caawinayo in aad waqtiga si sax ah u maareyso.

88
0

Waqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qofka ibnu aadamka ahi haysto inta uu nool yahay, waana raasamaalka ugu faa’iidada badan haddii si wacan looga faa’iidaysto oo loo qorsheeyo

sida ay xikmaddani leedahay (waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo).

Nolosha qiimaheedu waxa ay ku xidhan tahay qiimaha waqtiga iyo ka faa’iidaysigiisa. Haddaba adigu akhriste ma is weyddiisay qiimaha waqtigaaga? Waa su’aal muhiim ah waana su’aasha ugu qaalisan su’aalaha loo baahan yahay inuu qofka caqliga iyo caafimaadka Alle (SWT) siiyay is weydiiyo oo uu garto jawaabta saxda ah ama ku habboon in lagu qeexo

Su’aashan jawaabteeda waxa si sax ah u helay in yar oo fara ku tiris ah oo dadkeenna ka mid ah, intaas heshayna waa inta yar ee waqtigooda ka faa’iidaystay ee gartay qiimaha uu u leeyahay kuwaas oo uga faa’iidaystay wax badan oo faa’iido u leh naftooda, if iyo aakhirana anfacaya, ha ugu horreeyaan khayrka iyo cibaadada suubbani’e.

Haddaba waxaan halkan idinkula wadaagayaa qodobo muhiim ah:

1. U deji yoolalka si sax ah (SMART Goals): Yoolalkaaga u samee kuwo gaar ah, la qiyaasi karo, la gaari karo, muhiim ah, iyo kuwa waqti go’an leh. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad si cad u ogaato halka aad u socoto iyo sida aad u gaari doonto.
2. U Samee howl kasta waqti xaddidan (set a time limit): Shaqo kasta waqtiga u samee xadidan si aad u dardargeliso hawshaas oo aad u hubiso inaad waqtiga si habboon u isticmaaleyso.
3. Qaado nasasho shaqooyinka dhexdooda: Nasashada habboon qaado inta aad shaqeyneyso si aad maskaxdaada ugu deeqdo wakhti ay ku nasto, taasoo kordhinaysa wax soo saarkaaga.
4. Ka saar waqtigaaga hawlaha aan muhiimka kuu ahayn (not important tasks): Fiiri liiskaaga shaqooyinka oo ka saar kuwa aan muhiimka ahayn si aad diiradda ugu saarto shaqooyinka muhiimka ah.
5. Jooji dib-u-dhigista howlaha (Stop Procrastinating): Ka fogaaw dib-u-dhigista oo si degdeg ah u qabso shaqooyinkaaga. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad gaarto yoolalkaaga waqtiga loogu talagalay.

WQ: Cali Ismaaciil

Afeef: Soomaalimidnimo marnaba mas’uul kama aha aragtida qoraaga maqaalkan loomaga tiirin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here