Sarkaal Sare oo Katirsana Calooshood Ushaqaystayasha Imaaraadka Carabta oo Lagu Dilay Dalka Yeman.

51
0

Weerar maalintii shalay ay fuliyeen militariga Alqaacidada Yeman ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada calooshood ushaqaystayasha Imaaraadka ee loogu yeero golaha ku meel gaarka ah ee koofurta Yeman.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday “taliyaha guutada 1-aad ee difaaca Shabwa” ninka lagu magacaabo Ahmed Muxsin Al-Sulaimani ay fuliyeen xubno ka mid ah ururka Alqaacida.

Sarkaalka la qaarijiyay ayaa lala beegsaday miino nuuca dhulka la galiyo ah, ayadoo buburisay gabi ahaanba gaarigii uu saarnaa xilli uu maraayay deegaanka “Al-Musaynica” oo ka tirsan degmada “Al-Saciid” ee gobolka Shabwa ee Koonfur-bari ee dalka Yemen.

” Weerarka lagu dilay Ahmed Muxsin Al-Sulaimani ayaa imaanaya ka dib markii sarkaalkaan uu ka badbaaday 16 bilood ka hor howlgal lagu qaarijin rabay oo loo adeegsaday qarax iyo duqeyn madaafiic ah taaso sababtay in uu dhaawacmo, balse arintaas kuma cibro qaadanin wuxuu sii waday ilaalinta masaalixda cadowga si ay u boobaan khayraadka Yeman, dhulka u fasahadiyaan, wuxuuna sidoo kale sii waday beegsiga mujaahidiinta taaso sababtay in ay mujaahidiintu ku daraan liiska sarakiisha la bartilmaamedsanayo….” Ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay ururka Alqaacidada Yeman.

Dilka sarkaalkaan ayaa lagu tilmaamay mid dhaawac wayn u ku ah mashruuca fasahaadka iyo u adeegida shisheeyaha ay kawado dowlada Imaaraadka Carabta dalka Yeman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here