Mareekanka oo Ku Dhawaaqay in uu Isbadal ku Sameeynayo Mawqifka Ciidamadiisa ee Bariga Dhexe.

37
0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay, in uu wax ka baddalayo mowqifka militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, si loo xaqiijiyo badqab ciidamada Mareykanka iyo in taageero buuxda loo sameeyo Yahuudda oo ammaankeeda uu khatarta ku jiro, kadib hanjaabaadyo uga yimd dhanka Iran.

Biden waxa uu ku cadeeyay  warqad uu u diray golaha Congress-ka,  in uu xoojiyay mawqifka militariga ee Bariga Dhexe, isaga oo ku salaynaya mas’uuliyaddiisa ka Taliya Guud  ahaan sida waafaqsan awoodihiisa dastuuriga ah.

Biden wuxuu ku daray fariintiisa, in askarta Mareykanka ee Bariga Dhexe dhamaantood ay gacan ka geysteen ka difaacidda Yahuudda weeraradii Iran bilihii Abriil iyo Oktoobar, Waxa uu tilmaamay in uu go’aansaday in uu kordhiyo howlgalka kooxda duulimaadka ee USS Abraham Lincoln, oo ay la socdaan qaybo kale.

Waxa kale oo uu go’aansaday in uu geeyo diyaaradaha nooca F-35  iyo kuwa wax burburiya oo awood u leh inay ka hortagaan gantaallada balaastigada, isaga oo ku nuux-nuuxsaday in ciidammada Maraykanku ay sii joogi doonaan gobolka, si ay danaha dalkiisa uga ilaaliyaan weerarrada ay billaabeen Iran iyo wakiilladeeda.

Waxaa  xusid mudan in wasaaradda difaaca Maraykanka ee Pentagon ay shalay ku dhawaaqday, in dhulka ay Yahuudda gumaysato ay ku rakibeen nidaamka THAAD ee difaaca hawada ah, ujeeddaduna ay tahay xoojinta  difaaca hawada ee maamulka Yahuudda ,oo aanay Washington ujeedin colaad gobolka kusii ballaarato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here