Madaxweynaha Shiinaha: Beijing Waxa ay Diyaar u Tahay in ay Wehel iyo Saaxiib la Noqoto Washington.

39
0

Warbixin uu baahiyey Telefishinka dhexe ee Shiinaha ayaa lagu sheegay, in madaxwaynaha dalkaas uu yiri “Shiinuhu  wuxuuu diyaar u yahay inuu noqdo saaxiibka Mareykanka, tani ma ahan mid ay ka faa’iideysan doonaan labada waddan oo keliya, balse waxay faa’ido utahay caalamkoo dhan.” Wuxuuna  hadalkaan  ka jeedinayay, kulan ay lahaayeen guddi qaran oo  qaabilsan xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha udhaxeeya, kuwaas oo dhiganayay xaflad sanadla ah.

Madaxwaynaha  shiinaha waxa uu utixgeliyey in xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka uu ka mid yahay, cilaaqaadka Labo geesoodka ah ee ugu muhiimsan adduunka, oo saameyn ku leh mustaqbalka iyo masiirkooda ” sida ku cad warqadda.

“Shiinuhu waxa uu mar walba umaareeyaa xiriirka  uu la leeyahay Maraykanka si waafaqsan mabaadi’da is-ixtiraamka, nabad ku wada noolaanshaha iyo iskaashiga guulaystay ee labada dhinac, waxa uuna  mar walba aaminsan yahay in guusha Shiinaha iyo Maraykanku ay fursad u tahay Labada waddanba,” ayuu yiri madaxwaynaha  shiinaha.

Waxaa xusid mudan in Washington iyo Beijing ay isku khilaafsan yihiin arrimo la xiriira amniga qaranka, waxaana weli socda muran dhanka  ganacsiga ah  ee u dhexeeya Labada dal, waxaana meesha ka marneen in uu mareekanku oola macaamilayo jamhuuriyadda Taiwan, sidii dawlad madaxbaan oo kale, taas oo ay aaminsanthay dawladda shiinaha xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here