Maamulka Ukraine ayaa amar ku bixiyay in laga guuro saddex magaalo oo kuyaaala gobolka Kharkiv ee bariga dalkaas, sababo la xiriira duqaynta halkaas uu kawado Ruushka oo sii xoogaysanaysa, ayadoo ciidamada Ruushku ay habeenimadii xalay weerar cirka ah ku beegsadeen caasimadda Kiev.
Amarka daad-gureynta oo uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Kharkiv ninka lagu magacaabo Oleh Sinyhopov, ayuu ku sheegay in ay dadku ka guuraan magaalooyin ay kamid tahay magaalada Kubyansk – oo ah xarun tareen – iyo magaalada Burova ee kutaala koonfurta gobolka Kharkiv, taas oo u dhow magaalada Izyum.
Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta Kobyansk toddobaadyo ka dib dagaalkii Ukraine ee bishii February 2022, laakiin ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsaday dabayaaqadii sanadkaas.