Dooni ay Saarnaayeen Tahriibayaal oo ku Degtay Xeebaha Dalka Giriigga.

40
0

Ilaalada xeebaha Giriigga ayaa sheegay Talaadadii shalay, inay soo badbaadiyeen 27 tahriibayaal ah, isla markaana ay soo saareen meydadka 4 qof, kadib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay meel u dhow jasiiradda Kos ee dalkaas.

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa intaa ku daray,  in 3 ka mid ah maraakiibtooda oo uu wehliyo markab ganacsi,  ay baadi goobayaan dadka lagu la yahay goobta ay doonta ku dagtay.

Dalka Giriiga ayaa safka hore kaga jiray wadamada ay soo food saartay dhibaatooyinka soo galootiga sanadkii 2015-kii, markaasoo in ka badan hal milyan oo qof oo u badan qaxooti Suuriyaan ah, ay ka soo talaabeen dhanka Turkiga, iyagoo dhanka badda uga sii gudbay Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here