Gumaystaha Yahuudda oo xasuuq ka geysatay Deegaanka Jabalia.

39
0

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa ku dhawaaqday maanta oo Khamiis ah, in gumeystaha  Yahuusddu uu xasuuq cusub ka geystay xerada Jabalia ee waqooyiga marinka Qaza, kadib markii ay duqeeyeen iskuul ay ku noolaayeen kumanaan qof oo barakacayaal ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in 22 ruux ay ku dhinteen halka tobonnaan kalana ay ku dhaawacmeen,  duqayn ay Yahuuddu ka geysatay madarasada  Abuu Xuseen oo ay  daganaayeen dad barakacayaal ah,  taas oo ku taalla xerada Jabaliya,  Wararka ayaa intaas ku daraya, in shaqaalaha Ambalaasta ay u suurta gali waysay in ay gaaraan shuhadada iyo dhaawacyada ku jira madarasada  la beegsaday.

Dhinaca kale, Agaasimaha Gaadiidka Gurmadka Deg-degga ah ee Waqooyiga Qaza, oo la hadlay  warbaahinta ayaa sheegay, in gumaystaha ay la beegsadeen madarasada Abuu Xuseen ee Xeradda Jabaliya Labo Gantaal, wuxuuna intaa ku daray in duqeyntaas ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux  kuna   dhaawacmeen Tobannaan kale oo ay caruur ku jiraan, kuwaas oo wajahaya xaalad halis ah.

Agaasimaha Ambalaasta iyo Gurmadka Degdega ayaa sheegay, in qaar ka mid ah takhasusiyaadka loo baahanaa in lagu daweeyo dadka dhaawaca ah aan laga helaynin waqooyiga Marinka Gaza, qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa hadda ku dhimanaya isbitaallada, sababo la xiriira adeegyadii loogu tala galay oo meesha ka maqan.   Sarkaal caafimaad ayaa tilmaamay in muddo 13 maalmood ah, aysan jirin wax gargaar ah oo soo galay xerada Jabalia, taasoo ay ugu wacan tahay go’doominta ay Sahaayinadu ku hayso.

Dhanka kale, duqa magaalada Beit Lahia, ninka lagu magacaabo Alaa Al-Attar, ayaa sheegay, in gumaystaha ay go’doomiyeen goobo ku yaalla waqooyiga Gaza, ayna ka hortagayaan in lasoo galiya cunto iyo dawooyin, ujeedaduna ay tahay in dadka deegaanka lagu riixo inay qaxaan.

Al-Attar waxa uu intaa ku daray, in gumaystaha  ay diideen in biyo iyo shidaalba ay soo galaan waqooyiga Gaza, taas oo kordhinaysa dhibaatada haysata dadka deegaanka, isagoo xusay in aanay jirin wax shidaal ah oo ay ku shaqeeyaan isbitaallada, ambalaasyada iyo xarumaha biyaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here