Ruushka oo uga Digay Yahuudda in ay Bar-tilmaamsato Xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

31
0

Ruushku waxa uu uga digay maamulka Yahuudda in uu bar-tilmaameedsado xarumaha Nukliyeerka ee Iran, taas oo qayb ka ah suurtogalnimada in ay Yahuudda kaga  aargoosato  gantaalladii ay Tehran ku ridday Tel Aviv  horaantii bishaan October.

Wakaaladda TASS ee  kasoo baxda dalka Ruushka ayaa ka soo xigatay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas  inuu yiri “Ruushku wuxuu uga digayaa Israa’iil xitaa suurtagalnimada mala-awaalka ah ee lagu weerarayo xarumaha nukliyeerka iyo kaabayaasha Iran”  Waxa uu intaa ku daray in beegsiga xarumaha Nukliyeerka Iran  ay ka dhalan doonto musiibo saamaysa gobalka.

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa, maalmo kadib kulan dhex maray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, intii ay ku guda jireen ka qaybgalka madal looga hadlayay (Xiriirka ka dhexeeya xasaradaha iyo ilbaxnimada)  taas oo todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Ashgabat ee caasimadda dalka Turkmenistan.

Wadahadalka Labada hogaamiye ayaa qaatay ku dhawaad ​​Hal saac, iyadoo Putin uu carabka ku adkeeyay in xiriirka Iran uu yahay waxyaabaha uu mudnaanta koobaad siiyo Ruushka, uuna sii xoojinayo.

Pezeshkian ayaa hadal uu la yeeshay Putin ku yiri: “Waa inaan dardar-gelinaa  siina kordhinaa iskaashiga udhaxeeya labada dal.

Bishii la soo dhaafay, Pezeshkian ayaa ballan qaaday, in dalkiisa uu sii xoojin doono xiriirka uu la leeyahay Ruushka, si uu wax uga qabto cunaqabateynta ay ku soo rogeen dalalka reer galbeedka, isagoo sheegay in Labada dal ay ku dhow yihiin inay saxiixaan heshiis iskaashi oo istiraatijiyadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here