Taariikh Nololeedkii Yaxye Sinwaar.

58
0

Yaxye  Ibrahiim Hassan Sinwar,  wuxuu dhashay October 19, 1962-dii, isagoo ku dhashay  xerada qaxootiga Khan Yuunis ee dhacda koonfurta Marinka Qaza, qoyskiisa ayaa ka barakacay magaalada Majdal ee kutaala waqooyi bari dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin, kadib markii ay Yahuuddu qabsatay 1948-dii, waxaana hada loo yaqaanaa magaalada Casqalaan oo ay Yahuuddu ubixisay.

Waxbarashadiisa waxaa uu ku qaatay “Khan Yunis Secondary School”, kahor inta uusan ku biirin Jaamacadda Islaamiga ah ee Qaza, oo uu ka qalin jabiyay, wuxuuna ka baxay  qeybta Daraasaadka Carabiga.

Yaraantiisii wuxuu kusoo koray duruufo adag, waxaana saamayn ku yeeshay caruurnimadiisii ​​weeraradii iyo dhibaatooyinkii soo noqnoqday ee dadka degan xerada ay ku hayeen gumaystaha  Yahuudda.

Yaxye Sinwar,  wuxuu lahaa waxqabad muuqda intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa jaamacadeed, isaga oo xubin firfircoon ka ahaa, garabka ardayda ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Falastiin. Xubinimadaas waxay ka caawisay inuu helo khibrad uu door hoggaamineed  kaga  qayb qaato dhaqdhaqaaqa Xamaas kadib markii la aasaasay 1987.

Wuxuu aasaasay, hay’ad ammaan oo la yiraahdo Ururka Jihaadka iyo Wacdiga, oo loo yaqaan “Majd.” Wuxuuna u magacaabay Khaled al-Hindi iyo Rawhi Mushtaha – oo uu u xilsaaray aasaasihii Xarakada, Sheekh Axmed Yaasiin – sannadkii 1986-dii.

Hadafka ururkani wuxuu ahaa in uu dabagal kusameeyo jawaasiista Yahuuddu ku dhex samaysatay Falastiiniyiinta, marka laga soo tago shaqadaas loo igmaday ee nabad-sugidda, ururkani wuxuu markiiba xudun unoqday  horumarinta nidaamka amniga gudaha ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Waxaa la xiray markii ugu horeysay 1982-dii, wuxuuna xirnaa muddo 4 bilood ah, isagoon wax maxakamada lasoo taagin. 1985-tii, ayaa mar kale la xiray waxaana lagu xukumay 8 bilood.

January 20, 1988-dii, waxaa  lagusoo  oogay dacwad la xiriirta afduubka iyo dilka laba askari oo Yahuudd ah, iyo dilka 4 falastiiniyiin ah oo lagu tuhunsanaa inay la shaqaynayeen sirdoonka Yahuudda, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Mudadii uu ku xukunaa xabsi daa’inka, waxaa loo kala wareejiyay xabsiyo dhowr ah; Waxaa ka mid ahaa xabsiga Majdal (Casqalaan), Hadarim, Sabaa, iyo Nafha oo uu 4 sano kaligii ku xirnaa, halkaas oo uu kula kulmay xanuuno halisa, mararka qaarna uu matagayay dhiig isagoo aan wax daryeela kahelin ilaaladii xabsiga.

Labo jeer ayuu isku dayay in uu ka baxsado xabsiga uu ku xirnaa, mar waxay ahayd markii uu ku xirnaa xabsiga Al-Majdal ee magalada Majdal (Casqalaan), marka kalana waxay ahyd wakhtigii uu ku xirnaa xabsiga Ramala, balse isku dayadiisaas ayaan u suurta galin.

Xabsiga Majdal (Casqalaan) wuxuu ku guulaystay in uu gidaarka qolkiisa ku dalooliyo silig iyo miinshaar yar oo bir ah, ka dibna markii ay qolfoofka sare ee gidaarka oo keliya u harsanayd ayuu gidaarkii soo dumay, taas oo keentay inuu isku daygiisa uu ku guulaysan waayo.

Isku daygii labaad ee xabsiga Ramala, waxaa u suurtagashay in uu jabiyo mid kamida biraha daaqada qolka uu ku xirnaa, isla markaana wuxuu diyaariyay  xarig dheer si uu darbiga xabsiga uu ugaga talaabo, balse isku daygiisaas ayaa fashil kusoo idlaaday mar kale.

Mudadii uu xabsiga ku jiray ayaa loo diiday in qoyskiisu ay  booqdaan, aabihiis ayaa labo jeer oo kaliya booqday 13 sano gudahood.

Yahya Al-Sinwar 23-kii sano ee uu xabsiga ku jiray wuxuu qoray buugaaag badan isagoo bartay  luuqadda Cibraaniga, waxaa uu qoray buugaag iyo tarjumaado badan oo ku saabsan siyaasadda, amniga iyo suugaanta.

Waxaa ka mid ahaa: Turjumaada buuga “Shin Bet From the Pieces” ee ay qortay Carmi Gilon, kaas oo ah buug ka hadlaya Adeegga Amniga Gudaha ee Yahuudda. Tarjumaadda buugga “Xisbiyada Israa’iil ee 1992,” oo qeexaya xisbiyada siyaasadeed ee Yahuudda iyo barnaamijyadooda ka hadlaya isbeddellada muddadaas.

Bugaagta uu qoray  waxaa kamid ahaa,  Buugga “Hamas: Trial and Error” waxa uu kaga hadlayaa waaya-aragnimada dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo horumarkeeda.

Yaxya Sinwar ayaa la sii daayay 2011-kii, wuxuuna ka mid ahaa in ka badan kun maxbuus oo la sii daayay si loogu beddesho  askari Yahuuddi ah oo lagu magacaabo Gilad Shalit.

Kadib markii uu xabsiga kasoo baxay, Sinwaar waxaa loo doortay inuu noqdo xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas intii lagu jiray doorashadii gudaha ee xarakada 2012-kii.  Waxaa uu sidoo kale la wareegay mas’uuliyadda garabka milatari ee Guutooyinka Izz Al-Diin aA-Qassam, waxaana uu qabtay hawsha isku dubaridka Xafiiska Siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa iyo hoggaanka guutooyinka.

Wuxuu door weyn ka ciyaaray isku xirka dhinacyada siyaasadda iyo militariga ee dhaqdhaqaaqa, intii lagu jiray weerarkii  gardarrada ahaa ee Yahuuddu ku qaaday  marinka Qaza 2014-kii.

Mareykanka iyo Yahuuddu  waxay ku dareen Sinwaar liiska waxa loogu yeero “argagixisada caalamiga ah”.

Mudadaas, wuxuu isku dayey in uu hagaajiyo xiriirka ka dhexeeya dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Qaza iyo maamulka Falastiiniyiinta ee ay hoggaamiso dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiiniyiinta (Fatax) ee Daanta Galbeed, iyo in la soo afjaro xaaladda kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dhulka Falastiiniyiinta,  balse isku daygaas ayaa ku dhamaaday fashil.

Waxaa kale oo uu ka shaqeeyay intii uu xilkan yahayay  hagaajinta xidhiidhka Masar, isaga oo qayb ka ah wafdi hoggaamineed iyo amni oo Qaahira kula kulmay, madax ka socotay sirdoonka Masar sanadkii 2017-kii, waxaana lagu gaaray heshiisyo ku saabsan nolosha, amniga, bini’aadantinimada iyo xaaladaha xuduudaha.

Sinwaar waxaa lagu tilmaami jiray shakhsiyad digtoonaan badan,  hadalna badnayn oo ay naadir tahay in uu ka soo muuqdo fagaarayaasha, waxaa uu sidoo kale lahaa xirfado hoggaamineed oo sarreeya, waxana uu saamayn xooggan ku lahaa xubnaha katirsan dhaqdhaqaaqa Xamas.

Kadib howlgalkii Duufaanta Al-Aqsa 7-dii October,  Yaxya Sinwar wuxuu noqday ninka loogu doonista badan yahay dhanka Yahuudda, marka laga soo tago Muhammad Al-Deif, oo ah taliyaha guud ee guutada Izzu-Diin Al-Qassam.

Sinwar ayaanan ka soo muuqan goob fagaare ah intii uu socday dagaalkaas, wargeyska Haaretz ayaa sheegay in Sinwar  uu la kulmay qaar ka mid ah maxaabiista Yahuudda intii ay ku xirnaayeen Qaza, wuxuuna u sheegay in ay ku sugan yihiin goobta ugu nabdoon marinka Qaza, wax dhibaato ahna loo gaysan doonin, isagoo kula hadalay luuqada Cibraaniga.

July 31, 2024, dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku dhawaaqay in Yahuuddu dileen, madaxii xafiiskeeda siyaasadda, Ismaaciil Haniyah, ayagoo duqeeyay guri uu ka daganaa magaalada Tehran ee dalka Iran.  Agoosto 6, 2024,  Golaha Shuurada ayaa si aqlabiyad ah u doortay Yaxye Sinwar inuu noqdo madaxa cusub ee xafiiska siyaasadda  Xamaas, kadib dilkii Ismacil Haniya.

Oktoobar 18-keeda dhaqdhaqaaqa Xamaas,  wuxuu ku dhawaaqay  geerida, Yaxye Sinwar. Hogaamiyaha xarakada Khaliil  Xayaa ayaa khudbad muuqaal ah oo laga sii daayay TV-ga Al-jazeera ku sheegay, in Sinwar uu ku shahiiday iska horimaad uu lagalay ciidamada Yahuudda 17-kii bishan October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here