Dawladda Iran oo ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Guriga Netanyahu.

30
0

Ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa beeniyay, in ay wax xiriir ah Iran la leedahay weerarkii loo adeegsaday diyaaradda aan  duuliyaha lahayn ee lala beegsaday gurigii Ra’iizal Wasaaraha Yahuudda,  Benjamin Netanyahu oo ku yaalla  magaalada Kaysariya ee waqooyiga magaalada Tel Aviv.

Ergada oo mar su’aal laga waydiiyay dawrka ay Iran ku leedahay weerarkaas,  ayaa ku jawaabay inaysan Iran  wax lug ah ku lahayn  weerarkaas, waxayna carrabka ku adkeeyeen  inay weerarka fuliyeen Ururka shiiciga ee Xisbullah oo ay Iran taageerto,  sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.

Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, ninka lagu magacaabo Ismail Baghaei ayaa ku dhaleeceeyay sahaayinada, in ay faafiyeen been abuur, wuxuuna sheegay inay taas caado joogta ah utahay nidaamka iyo hoggaamiyayaasha dambiilayaasha ah ee Yahuudda.

Netanyahu ayaa ku eedeeyay Xisbullah inay fulisay weerarkaas, wuxuuna ku nuux-nuux saday inuu wax ka beddeli doona amniga, Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan u sheegayaa Iiraaniyiinta iyo saaxiibadooda in cid kasta oo dhibaato u geysata muwaadiniinta Israa’iil aan qiimo weyn ku bixin doonno”.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Sahaayinda ayaa sheegay, in diyaaradda laga soo diray dalka Lubnaan, wuxuuna caddeeyay in Netanyahu iyo xaaskiisa aysan ku sugneen hoygooda xilligii uu weerarku dhacayay, dhacdadaasna aysan geysanin wax khasaara ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here