Madaxweynaha Shiinaha ayaa ugu baaqay ciidamada dalkiisa inay xoojiyaan u diyaargarowga dagaal lagu qaado Taiwan, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dawladda, arinkaas oo kusoo beegmaya maalmo uun kadib markii Beijing ay dhoolatus ciidan oo ballaaran ku sameysay agagaarka Jamhuuriyadda Taiwan.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay mar uu Khamiistii booqday guuto ka tirsan Ciidanka Gantaalada ee Shiinaha.
Madaxweynaha waxa uu sheegay, in militarigu ay si buuxda u xoojiyaan tababarka iyo u diyaargarowga dagaalka, iyo in ay hubiyaan in ciidamadu ay leeyihiin awood dagaal oo adag, waxa uu intaa ku daray, in askartu ay xoojiyaan khibradooda istiraatijiyadeed iyo awoodahooda dagaalka, Sida uu sheegay CCTV-ga ay dawladdu maamusho.
Shiinuhu waxa uu jasiiradda Taiwan u aqoonsan yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkiisa, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu doonayo inuu dib u soo celiyo, xitaa haddii loo baahdo in xoog lagu soo celiyo.
Isniintii, dawladda Shiinaha waxay dirtay diyaarado dagaal, maraakiib dagaal iyo doomo kuwa ilaalada xeebaha ah, si ay u hareereyso Taiwan, taasoo qeyb ka ah dhoolatus ballaaran oo noqanaya kii afaraad oo ay sameysay dawladda Shiinaha in ka badan Labo sano gudahood.