Xisbullaah oo ku dhawaaqday inay weerartay 17 goobood oo fariisimo u ahaa ciidamada Yahuudda.  

36
0

Ururka Xisbullaah ayaa ku dhawaaqay inay 17 goobood oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Yahuudda la beegsadeen gantaallo iyo madaafiic, marka laga soo tago inay weerarro kale oo gantaallo ah ku qaadeen deegaannada Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin, gaar ahaan saldhigga milateri ee bariga magaalada Haifa, taasoo keentay tirada weerarradaas inay gaaraan  25 weerar hal maalin gudaheed.

Xisbiga oo soo saaray bayaan ay ku faahfaahinayaan weeraradaas ayaa yiri, “ manta oo sabti ah, waxaan fulinay ilaayo 25 weerar, fariisimaha ay ciidameenu weerareen waxaa kamida Sholomi, Al-Malikiyah, Al-Bassa, Zarit (oo laba jeer la weerary), Avivim, Al-Manara, Abirim, iyo deegaanka Jal Al-Deir ee Waqooyi Bari ee Avivim, agagaarka magaalada Aita al-Shaab, iyo iridda Shebaa ee koonfurta Lubnaan”.

Waxay intaa ku dareen in ay madaafiic ku garaaceen isku imaatin kale oo ay askarta Yahuuddu ku lahaayeen albaabka Fatima Gate ee magaalada Kafir Kila ee koonfurta Lubnaan.

Ururkan shiiciga ah ee Xisbullaah, ayaa bayaankiisa ku sheegay in ay gantaallo la beegsadeen saldhigyo ciidan oo ku kala yaalla deegaanada ka ah;  Nasher, oo dhaca bariga magaalada Haifa, Kryut ee waqooyiga Haifa, Safed  iyo deegaanka Rosh Pina ee koonfur-bari ee isla magaaladaas.

Weerarada waxaa kamid ahaa, weerarro toos ah oo lagu bartilmaameedsaday Taangiyada cadowga, Waxaa la xaqiijiyay in la beegsaday taangi Merkava ah oo ku sugnaa deegaanka Zarit, kaas  oo sababay in ciidamadii la socday  uu soo gaaro khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here