Xisbullaah oo duqaysay magaalada Tel-Aviv iyo Haifa.

30
0

Ururka Xisbullaah ayaa ku dhawaaqay subaxnimadii hore ee maantaa, in ay gantaallo ku garaaceen Tel Aviv iyo Haifa, halka Yahuudduna duqayn cusub ka geysateen deegaanka Al-Laylaki ee waqooyiga ka xiga garoonka diyaaradaha ee Beirut.

Xisbullaah ayaa bayaano kala duwan ku sheegtay inay gantaallo gaar ah, ku garaacday Nirit Dome oo ku taalla duleedka magaalada Tel Aviv, sidoo kale saldhigga Glilot ee xiriirka la leh qeybta sirdoonka milateriga ee 8200 oo ku yaalla duleedka Tel Aviv.

Warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in gantaal uu ku dhacay meel u dhow khadka cagaaran ee bariga Tel Aviv, kaasoo sababay in la maqlo qarax weyn, iyadoo aan la sheegin khasaaraha uu geystay.

Bayaanka kasoo baxay Xisbullaah ayaa lagu sheegay, inay weerar culus la beegsadeen garoonka diyaradaha ee Ben Gurion, kaas oo gaystay khasaare kala duwan, ayadoo la joojiyay dhamaan isusocodkii hawada ee garoonka, ciidanka sahaayinada ayaa isna dhankiisa ku dhawaaqay xaalad dagdag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here