Habeenimadii hore ee Axadda, ayey Yahuudda duqeymo isdaba joog ah ku qaaday duleedka koonfureed ee Beyruut, iyadoona ku dhawaaqday, in tirada ciidamada looga dilay dagaallada ka socda Lubnaan ay kor u kacday, waxayna qirtay Sahayinada in 15 askari looga khaarijayay 2 maalmood gudahood dagaallada ay kula jirto Ururka shiiciga ee Xisbullaah.
Wararka ayaa intaa ku daraya, in illaa iyo 8 weerar ay Yahuuddu xalay la beegsatay xaafada koonfureed ee magaalada Beyruut, sadoo kale waxay Labo weerar ka fuliyeen Sahaayinada deegaanka Xadath ee duleedka koonfureed ee Beyruut.
Sidoo kale Yahuudda ayaa duqeymo la beegsatay, agagaarka magaalada Bacla- bak, magaalada Sherbin, iyo dhulka sare ee magaalooyinka Shamstar iyo Harbta, ee bariga Lubnaan.
Ciidanka Sahaayinda ayaa hore ugu baaqay, dadka deggan Labo aag oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan, in ay ka guuraan guryahooda, iyagoo ku andacoonaya in goobahaas ka ag dhawyihiin xarumo iyo goobo ay leeyihiin Ururka Xisbullaah.
Dhinaca kale, Ururka Xisbullaah ayaa ugu baaqday dadka deggan 25 deegaan, oo ku yaalla Waqooyiga dhulka uu gumaystuhu haysto, in si dag-dag ah looga guuro, iyagoona sii wada beegsiga goobaha ay ku sugan yihiin askarta Sahaayinada ee waqooyiga dhulka ay Yahuudda gumaysato ee Falastiin.