Talyaainiga oo Marti Galiyay Dibad-baxyo Looga soo Horjeedo Xasuuqa ka socda Marinka Qaza.

26
0

Shalay oo Sabti ahayd, waxaa magaalooyin badan oo ka tirsan dalka  Talyaaniga ka dhacay, bannaanbaxyo looga soo horjeedo dagaallada ka socda Marinka Gaza, Lubnaan, iyo dagaalka uu Ruushku ka wado Ukraine, banaanbaxyadaas waxaa soo qaban qaabiyay ururrada shaqaalaha iyo ururada bulshada rayidka ee dalka Talyaaniga.

Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalada Rome ee fagaaraha Ostiense, waxayna dalbanayeen in la joojiyo dagaalka ay Yahuuddu ku qaaday Lubnaan, Marinka Qaza, iyo dagaalka Ukraine iyo Ruushka, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayeen inay doonayaan nabad.

Magaalada caasimadda ah ee Rome iyo magaalooyin kale  oo ku yaalla Talyaaniga, ayaa marti galiyay dibad-baxyo lagu codsanayo in la  joojinayo dagaallada, gaar ahaan weerarrada ay Yahuuddu ku qaadday marinka Qaza iyo Lubnaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here