Ruushka oo ku Dhawaaqay inay soo Rideen 51 Diyaaradood oo laga Leeyahay Dalka Ukraine.

21
0

Ruushka ayaa ku dhawaaqay maanta oo Axad ah,  in difaacyadiisa cirka ay usuurta gashay burburinta  51 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, diyaaradahaas oo  ay Ukraine ku weerartay dalkaas.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay subaxnimadii hore ee saaka, in cutubyo ka tirsan difaaca cirka ee Ruushka ay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, oo marayay gobollada Voronezh, Bryansk, Oryol, Lipetsk iyo gobalka Belgorod ee koonfurta dalka Ruushka.

Wasaaraddu waxay ku sharraxday  qoraal ay soo dhigtay barta Telegramka,  in difaaca hawada  ee Ruushku uu qabtay 18 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo marayay gobolka Tambov, oo qiyaastii 450 kiiloomitir koonfur-bari ka xiga magaalada Moscow.

16 diyaaradood oo kale ayaa lagu burburiyay gobolka Belgorod ee xaduuda dhaca, halka diyaaradaha kale ee soo haray lagu qabtay gobollada Voronezh, Oryol, iyo gobalka Kursk ee dhaca koonfurta Ruushka.

Gudoomiyaha gobolka Tambov ayaa xaqiijiyay, in diyaarad Drone ah oo laga leeyahay dalka Ukraine ay ku soo dhacday gobolkaas, taas oo keentay in dab uu ka kaco goobta ay ku dhacday diyaaradda, isagoo xusay inay jiraan dhaawacyo iyo burbur hantiyadeed oo ka dhashay dhacdada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here