Wararka ka imaanaya dalka Falastiin ayaa sheegaya in weerar cusub oo kaligii duulnimo ah loona adeegsaday gaari jiirsiin uu maanta oo Axad ah ka dhacay kontoroolka ciidamada gumeystaga ee Xazma ee waqooyiga magaalada Qudus.
Warbaahinta gumeystaha Yahuuda ayaa sheegtay in howlgalka ka dhacay agagaarka Koontaroolka Xazma uu ka dhashay khasaaro.
Inta la xaqiijiyay Laba askari oo kamid ah gumeystaha Yahuuda ayaa ku dhaawacantay weerarka.
Hawlgalka ayaa yimid saacado yar kadib markii in ka badan 50 Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen gaari xamuul ah oo jiiray goob basaska laga raaco oo ku taal waqooyiga magaalada Tel Aviv.