Loolanka u Dhexeeya Islaamka iyo Nasaarada Xabashida.

150
0

Loolanka u dhexeeya xaqa iyo baadilka waxa uu soconaaya ilaa maalinta qiyaame, Allaha SWT Quranka kariimka ah wuxuu ku yiri:

(وَلَا يَزَالُونَ يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّى يَرُدُّوكُمْ عَنْ دِينِكُمْ إِنِ اسْتَطَاعُوا)[البقرة: 217].

Mandiqadda bariga-afrika waa dhul istiraatiiji ah, diinta suuban ee islaamka waxay soo gaartay sida lagu sheego kutubta taariikhda ka hor inta uu islaamku gaarin magaalada Madina. 

Jihaadka Bariga Afrika ee u dhexeeya gaalada Xabashida iyo Muslimiinta waxa u bilowday markii Islaamku soo gaaray dhulka loo yaqaanay Xabashah ama Geeska Afrika ilaa iyo maanta waa mid ka holcaayo Bariga Afrika.

 Loolanka u dhexeeya Muslimiinta iyo Kirishtanka ee ka socdo Bariga-Afrika ilaa iyo maanta, waa mid lagu macneen karo loolan Labada dhinac mid walba uu rabo so afjarida midka kale; afka qalaad waxaa lagu dhahaa loolankan oo kale ( Zero-sum game ).

Kaniisada Xabashida oo wakiil ka ah Kirishtanka caalamka waxay dagaalo aan kala joogsi leheen kula jirtaa muslimiinta, waxayna noqotay cadowga Kowaad ee muslimiinta Bariga Afrika. 

Xabashida awooda hortaagnan jirtay shirqoladoda ilaa iyo maanta hortaagan waa muslimiinta qarni walba seefta iyo qoriga aan dhigin cibaadada jihaadkana aan ka tagin.

 Muslimiinta mar waliba dagaalka hubaysan kala hortaga gaalada Xabashida waa awooda kaliya ee ay haystaan dhamaan muslimiinta ku nool geeska Afrika.

Damaca ay gaalada Xabashida maanta ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan xeebaha Soomaaliyeed waa damac soo jireen ah iyo loolan u dhexeeya islaamka iyo Gaalada oo meeshii ugu saraysay gaaray.

WQ: Axmed Gureey.

Afeef: Soomaalimidnimo marnaba mas’uul kama aha aragtida qoraaga maqaalkan loomana tiirin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here