Ruushka oo ku Dhawaaqay in uu Horumar Cusub ka Sameeyay Gobolka Donetsk ee Dalka Ukraine.

21
0

Ruushka ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqay in ciidamadiisa ay la wareegeen tuulada Izmailivka, oo ku taalla jiidda hore ee bariga Ukraine, halkaas oo ay sheegeen in ay  horumar fiican ka samaynayeen muddo bilooyin ah, waxayna hadda ku sugan yihiin afaafka magaalada warshadaha leh ee Korakhovi.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, in cutubyo ka tirsan ciidamadeeda ay la wareegeen tuulada Izmailivka, waxayna qiyaastii Siddeed kilomitir kaga beegantahay dhanka waqooyi  magaalada Korakhovi.

Waxayna u muuqataa in magaalada warshadaha leh  ee Korakhovi ay ku dhowdahay in ay gacanta u gasho ciidamada Moscow, kuwaas oo isku soo aruursanayay hareeraheeda toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo ku qasabtay in badan oo ka mid ah dadkii degganaa in ay isaga qaxeen magaalada.

Qiyaastii Toban kiiloomitir waqooyiga tuulada Izmailivka waxaa ku taalla Selidovy, oo ah magaalo kale oo ay askarta Ruushku qarka u saaran yihiin in ay qabsadaan,  sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan halkaas, askarta Ruushka ayaa horey u soo galay magaaladan.

Magaalada Pokrovsk oo dhacda waqooyiga fog ee dalka Ukraine, oona ah xarunta ugu weyn ee saadka ciidamada dalkaas, ayaa sidoo kale halis ku jirta, magaaladan oo loo arkayay  mid nabdoon dhowrkii  bilood ee lasoo dhaafay, ayaa hadda waxaa laga dareemayaa cabsi laga qabo in ay ciidamada Ruushku la wareegaan, kuwaas oo ku soo dhawaaday magaalada, waxaana baryihii danba ku batay magaalada duqaymaha ay cidamada Ruushku ku garaacayeen.

Ukraine  ayaa rajaynaysay in ay ciidamada Ruushka ka weeciso dhulkeeda iyada oo weerar lama filaan ah ku qaaday gobolka Kursk ee Ruushka horaantii bishii August, balse istaraatiijiyadani ayaa umuuqata mid fashilantay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here