Waa Kuma Naciim Qasiim Hogaamiyaha Cusub ee Kooxda Xisbullah?

33
0

Naciim Qaasim waxa uu ku dhashay sanadkii 1953-kii, degaanka Al-Basdah Al-Taxta ee magaalada caasimadda ah ee Beeyrut ee dalka Lubnaan.

Naciim waa xaasle wuxuuna leeyahay lix carruur ah.

Naciim Qaasim waa ruug-caddaa kooxda Xisbullah ka tirsan waqti aad u dheer, wuxuuna soo ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee kooxda tan iyo sandii 1991-kii.

Naciim Qaasim ayaa noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka Xisbullah ka dib markii duqeyn lagu dilay xoghayihii hore ee Xisbullah Cabbaas al-Musawi sanadkii 1992-kii. 

Hogaamiye Naciim Qaasim waxa uu dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ka bilaabay dhaqdhaqaaqa Shiicada ah ee “Amal”, kooxdaaa oo la asaasay sanadkii 1974-kii, waxa uu isaga baxay kooxda “Amal” sanadkii 1979-kii, ka dib markii dalka Iiraan uu ka dhacay kacdoonkii ay talada kula wareegeen mintidiinta Shiicada Iiraan, kaas oo badalay fikirka siyaasadeed ee dhalinyaro badan oo Shiico ah oo reer Lubnaan ah. 

Naciim Qaasim waxa uu ka qayb galay shirarkii lagu aasaasay kooxda Xisbullah oo ay aasaaseen Ilaalada Kacaanka Iran sanadkii 1982-kii.

Naciim Qaasim waxa uu muddo dheer ka mid ahaa afhayeennada caanka ah ee ku hadla afka kooxda Xisbullah asagoo waraysiyo badan siiyey warbaahinta caalamka.

 Sanadkii 1992-kii Naciim Qaasim waxa uu ka shaqeeyay ololihii doorashada baarlamaanka ee Xisbullah.

Sannadkii 2005-tii, Qaasim waxa uu diyaariyey buug uu kaga sheekaynayo taariikhdii kooxda shiicada ah ee Xisbullah, waxaana buuggan lagu tilmaamay mid ( naadir ah) oo ka si qoto dheer ooga hadlaaya kooxda Xisbullah dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here