Avigdor Lieberman: Waxaan Wajahaynaa Fashil Sirdoon oo Halis Ah.

118
0

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda iyo Difaaca maamulka gumaystaha Yahuud ahna madaxa xisbiga Sahyuuniyadda (Israa’iil Baytuna), Avigdor Lieberman, ayaa sheegay in maamulka gumaystaha Yahuuda fashil sirdoon uu ka soo wajahay wadamada Lubnaan iyo Suuriya.

Lieberman, oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: Fashilka uga weyn ayaa ah weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar.

Lieberman, oo soo noqday Wasiirka Difaaca, laguna yaqaanay aragtiyo guracan oo argagixisnimo ka dhan ah muslimiinta ayaa maanta oo Axad ah, ku qoray akoonka uu ku leeyahay “X” : “Waxaan rabaa in aan kuu digo, waxaan ku jirnaa guuldarro sirdoon oo dhinaca diyaargarowga ah, iyo nidaamka ammaanka oo gebi ahaanba xayiran tan iyo weerarkii  7-da Oktoobar.”

Waxa uu intaa ku daray Lieberman: “Sidoo kale waxaa jira guuldarrooyin halis ah oo aan ka wajahayno dhinaca sirdoonka Mossad, Cutubka 8200 (qaybta Cyber spying), iyo sirdoonka.” 

Maamulka gumaystaha Yahuuda ayaa wajahaaya fashil amni, burbur dhaqaale, iyo neceyb caalami ah oo ka dhashay xasuuqa argagixisnimo uu kawado magaalda Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here