Gumaystaha Yahuudda oo Sheegay, in Xiriirkii ay la Lahaayeen Imaaraadka Carabta uusan Waxba ka Badalin Xasuuqa ka socda Qaza.

17
0

Wasiirka Tamarta ee GumeystahaYahuudda, ninka lagu magacaabo Eli Cohen, ayaa xaqiijiyay in xiriirka udhaxeeya Imaaraadka iyo Yahuudda uu weli yahay mid xooggan iyadoo ay Yahuuddu xasuuqyo ka gaysanayso Marinka Qaza muddo Sannad ka badan.

Cohen, oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Sirdoonka ee Sahaayinada  ayaa sheegay, in uu horgeeyay Baarlamaanka Kaniisadda heshiis ku saabsan iskaashiga dhinacyada tamarta ee udhaxeeya Tel Aviv iyo
Abu Dhabi, si loogu diyaargaroobo ansixinta maamulka Natanyaahu ee Toddobaadayada soo socda.

Wuxuuna  utix-geliyay Cohen,  in  heshiisku uu leeyahay muhiimad istiraatijiyadeed, wuxuuna cadeeyay in tan iyo markii la ansixiyay heshiiskii Abraham, uu sii xoogaysanayay xiriirka Labada maamul udhaxeeya, Yahuudana ay awood weyn u leedahay inay noqoto buundada gobolka ee isku xira Galbeedka iyo Bariga, una dhaxaysa Yurub  iyo wadamada Khaliijka.

Xiriirka ganacsi ee u dhexeeya qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo gumaystaha Yahuudda ayaa sii socda, iyadoo ay Yahuuddu gaysanayso xasuuqyo ka dhanka ah Marinka Qaza iyo Lubnaan, waxaana kamid ah waddamada ugu caansan ee xiriirka wanaagsan la leh gumaystaha Yahuudda:  Imaaraadka, Urdun, Turkiga iyo Masar, waxaana intaas soo raaca waddama kale oo si dadban xiriir ula leh gumaystaha Yahuudda oo ay kamid tahay dawladda Sacuudiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here