Taliyaha guud ee ciidamada gumeystaha Yahuuda Herzi Halevy ayaa maanta ka badbaaday isku day dil kadib oo ay qorshaysay xarakada Xamaas.
Herzi Halevy, ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Qaza, xilli uu rabay in uu qiimeeyo xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka gumeystaha Yahuuda ee ku sugan Qaza.
Wararka imaanaya magaalada Qaza ayaa sheegaya in xarakada Xamaas ay gantaal ku dhufatay guri uu ku sugnaa Herzi Halevy, waxyar kadib markii uu ka baxay.
Dhanka kale, wargeyska Haaretz ayaa sheegay in xarakad Xamaas isku dayday inay disho madaxa guud ee ciidanka gumeystaha Israa’iil, Herzi Halevy.