Tirada Dadka ku Dhintay Daadadka ku Dhuftay Spain oo Gaartay 158 Qof.

23
0

Tirada dadka ku waxyeeloobay daadadka ku dhuftay gobollada bariga iyo koonfurta dalka Spain ayaa gaartay 158 qof, kuwaas oo intooda badan ku nool gobolka Valencia.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda  oo la hadlay wakaaladda wararka ee dalkaas ayaa xaqiijiyey,  inay jiraan dad badan oo weli la la’yahay, waxayna cabsi ka muujiyeen inay sii kordhaan tirada dhibanayaasha.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay, in 1,064 askari oo kamid ah ciidamadeeda ay hadda ku howlan yihiin baadigoobka iyo samata bixinta goobaha ay musiibadu ka dhacday, waxaana jira dad badan oo wali la la’yahay.

Horaantii Khamiista, machadka saadaasha hawada ee Spain ayaa ku dhawaaqay, in heerka roobka ka da’aya gobolka Valencia uu yahay mid aan horay loo arag, isagoona tilmaamay inay xaaladdu tahay mid aad u cakiran.

Machadka waxa uu intaa ku daray, in tirada roobabka mahiigaanka ah ee da’ay 8 saacadood oo kaliya Talaadadii lasoo dhaafay,  ay  lamid tahay tirada guud ee roobabka da’o  sannadkoo dhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here