Shalay oo Sabti ahayd ayaa magaalooyin badan oo Yurub ka tirsan waxaa ka dhacay bannaanbaxyo lagu cambaareynayo sii socoshada dagaalka ay Yahuuddu ka wadda Qaza iyo Lubnaan, waxaana kamid ah dalalka ay ka dhaceen dibad-baxyada:
Ingriiska
Tobannaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb galay Dibad-baxayaal ka dhacay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, mudaharaadkan oo ka bilowmay xarunta dhexe ee dawladda Ingiriiska ayaa lug lagu tagay illaa dhismaha safaaradda Maraykanka ee London.
Dibad-baxayaasha ayaa dalbanayay in dowladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ay joojiyaan hubeynta Sahaayinada, sidoo kalana ay joojiyaan ka qeyb qaadashada dagaalka ay Yahuuudu ku hayso Qaza iyo Lubnaan.
Jarmalka
In ka badan kun qof ayaa isugu soo baxay meel u dhow xarun tareennada oo ku taalla magaalada Berlin, si ay u cambaareeyaan weerarrada ay Yahuuddu ka waddo Qaza in ka badan hal sano, iyo in ay muujiyaan garab istaaggooda shacabka reer Falastiin.
Dibad-baxayaasha ayaa kor usiday calamada Falastiiniyiinta iyo boorar ay ku dalbanayaan in dowladda Jarmalka ay joojiso hubka ay siiso Sahaayinada ee ay ku gumaadeyso shacabka Falastiin.
Ciidamada Booliiska Jarmalka ayaa xiray dad badan oo banaanbaxayay, taas oo keentay iska hor imaadyo dhaxmaray booliiska iyo banaanbaxayaasha, waxaana ka qeyb galayaal badan loo geystay rabshado iyo xarig.
Ka qeyb galayaasha banaanbaxa ayaana ku qasbanaaday in ay soo afjaraan dibad-baxa, kadib markii ciidamada Booliska ay kala eryeen.
Sweden
Dibadbaxayaal ka dhacay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa dalbanayay in Sahaayinada ay joojiso weerarada ay ku heyso marinka Qaza iyo Lubnaan, isla markaana ay ogalaato xabad joojin.
Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay agagaarka Odenplan, waxayna u dhaqaaqeen dhanka xarunta baarlamaanka Sweden, waxayna dalbanayeen in la joojiyo xasuuqa ay Yahuuddu ka waddo marinka Qaza, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza iyo Lubnaan.
Faransiiska
Bartamaha magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ayaa sidoo kale lagu qabtay Dibadbaxyo, mudaharaadayaashuna waxa ay xireen isu socodkii waddooyinka si ay u taageeraan dadka Falastiiniyiinta iyo Lubnaan, isla markaana ay cambaareeyaan duqeymaha Yahuudda ka waddo Qaza iyo Lubnaan.