Tobaneeyo qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa shalay oo Axad ahayd isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta ururka suxufiyiinta ee magaalada Qahira, waxa ayna muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan in markab milatari oo ay Yahuuddu leedahay uu maro marinka Suweys, sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in todobaadkii hore uu kusoo xiray dekedda Alexandria markab saanad ciidan usiday Sahaayinada.
Dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayay ereyo ay kaga soo horjeedaan in Labada markab ay ka gudbaan marinka Suweys, waxayna sidoo kale ugu baaqeen maamulka Masar inay sii daayaan maxaabiista ku xiran xabsiyadooda dulmiga ku caanbaxay, kuwaas oo loo xiray in ay ka dibadbaxeen oo kaliya xasuuqa in badan sanad ka socda marinka Qaza.
Ku soo xirashada markabkan siday walxaha qarxa uu kusoo xirtay dekedda magaalada Alexandria, kaas oo kusii jeeday dhulka ay Sahaayinada gumaysato, ayaa cambaareyn iyo amakaag ku soo kordhayay baraha ay bulshadu ku xiriirto, waxaana la is weydiinayaa sababaha ay mas’uuliyiinta Masar ugu ogolaadeen inuu ku soo xirto markabkan dekeddooda.
Warbixin ay soo saartay hay’adda sheegata inay udooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay, in uu markabkan ahaa mid ganacsi oo laga leeyahay dalka Jarmalka, waxaana ka babanayay calanka Bortaqiiska, waxa uuna siday 8 konteenar oo ay ka buuxaan maadada loo yaqaano “RDX hexogen” taas oo loo isticmaalo samaynta bambaanooyinka, waana maadda ka awood badan kana khatar badan maadada “TNT” ee caanka ah.